Doorashada Soomaaliya: Odeyaal diidan heshiiskii dhowaan ee Golaha Wadatashiga Qaranka

Beesha Caalamka ee taageerto Soomaaliya ayaa soo saaray qoraal ay ku soo dhoweeyeen heshiiskii ay dhowaan wada saxiixdeen Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Madaxda Dowlad-gobooleedyada iyo Gudoomiyaha Banaadir.

Balse waxay muujiyeen walaaca ka soo kordhay arrintaas ee ka imaanaya qeybo kala duwan oo bulshada ka mid ah.

Qoraalka Beesha Caalamka waxaa ku xusan: “Waxaan ogaanay in ay jiraan walaacyo laga muujiyay hannaankii doorashada Aqalka Sare, waxaana Golaha Wadatashiga ugu baaqeynaa in midda Aqalka Hoose wax laga qabto.

“Waa in la dardargeliyaa daahfurnaanta, wakhtiga, ka wada qeybgalka, iyo hanaan la aamini karo oo ah doorashada Golaha Shacabka”.

Qeybaha walaaca ka muujinaya heshiiskii dhowaan waxaa ka mid ah odayaasha dhaqanka ee ka diiwaan gaashan wasaaradda arimaha gudaha Soomaaliya, ahna 135 duub ee loo garawsaday in ay yihiin hoggaanka dhaqanka ee soo xulaya ergada dooraneysa xildhibaanada baarlamanka.

Waxay sheegeen in aanay aqbali karin in awoodoodii cid kale lagu wareejiyo, sidoo kale waxay cambaareeyeen in lacag laga qaado ergada dooranaysa xildhibaannada.

Ugaas Maxamuud Cali Ugaas oo magaca duubabka ku hadlayey ayaa iiga warramay warsaxaafadeedka ay soo saareen.

xigasho: Bbc Somali