Doon Kaluumeysi oo Iran leedahay oo lagu qabsadey biyaha Soomaaliya

Soomaaliya – (warsoor) – Wararka ka imaanaya degmada Xaabo ee gobolka Bari ayaa sheegaya in koox hubeysan oo Soomaali ah ay qabsadeen dooni ay lahaayeen Kaluumeysato u dhashey dalka Iran taas oo ku sugneyd biyaha Soomaaliya.

Guddoomiyaha Xaabo Cali Shire ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in koox hubeysan ay qabsadeen doonida Iran laga lee yahay.

Telefishanka Press TV ayaa sheegay in kooxda qabsatey doonidan ay doonayaan in ay u isticmaalaan Mothership ay ku qabsadaan maraakiib waa weyn. Kaluumeysatada Puntland ayaa si weyn uga cabanaya maraakiibta iyo doonyaha shisheeyuhu leeyihiin ee badda ay soo geliyeen ganacsato iyo maamulka Puntland.

Doonidan ayaa la sheegayaa in ay si sharci darro ah uga kaluumeysaneysey Badda Soomaaliya, sida uu sheegay Cali Shire. Doonyaha Iran ee ku jira Badda Soomaaliya gaar ahaan xeebaha Badweynta Hindiya iyo Badda Cas ee ku dhaw Geeska ayaa la aaminsan yahay in ay soo geliyeen ganacsato caan ah oo ku dhaw maamulka Puntland.

Ma cadda tirada shaqaalaha Kaluumeysatada ah ee doonida lagu qabsadey iyo sida xaaladoodu tahay.

Dalka Soomaaliya ayaa xiriirka diblomaasiyadeed u jarey Iran, waxaana dalka laga saarey dhamaan Diblomaasiyiintii xiligii uu talada dalka hayey Xasan Sheekh Maxamuud, kadib markii xiriirka Iran iyo Sucuudigu aad u xumaadey 2015.

 

Xigasho: horseedmedia

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.