Donald Trump oo Ku Sii Adkaystay Aragtidda uu Ka Taagan Yahay Magan-galyo Doonka Sharci Daradda Ku Jooga Maraykanka

Maraykanka – (WARSOOR) – Musharaxa xisbiga Dimuqraadigu u cumaamadeen musharaxa madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa si adag ugu celiyey mark kale inay ka go’aan tahay in haddii loo doorto madaxweynaha Maraykanka inuu mastaafurin doono dadka sharci daradda ku soo galay dalka Maraykanka.

Republican presidential nominee Donald Trump speaks at a campaign rally in Phoenix, Arizona, U.S., August 31, 2016.   REUTERS/Carlo Allegri
Republican presidential nominee Donald Trump speaks at a campaign rally in Phoenix, Arizona, U.S., August 31, 2016. REUTERS/Carlo Allegri

Donald Trump ayaa qudbad uu ka jeediyey Gobolka Arizone Arbacadii, waxaan uu qudbadiisaa iska indho-tiray dadka ka badan 11 milyan oo dalka Markaykan ku jooga sharci daro. Hadalkiisan ayaa meesha ka saaray khudbad uu todobaad ka hor jeediyey oo kuu sheegay in dadka sharci daradda ku soo galay dalka Maraykanku ay yihiin dad qiimo leh oo dalka sanado ku noolaa kuwaasi oo wax badan ku soo kordhiyey bulshadda Maraykanka.

Haddaba qudbadan uu ka jeediyey gobolka Arizona Donald Trump wuxuu ku yidhi, “Dhamaan dadka sharci daradda ku soo galay dalka Maraykanku waxaa kaliyaata ee u furani waxaa hal dariiq oo kaliya, si ay u helaan sharciga Marakaykanka, waa inay dalkoodii dib ugu laabtaan ka dibna ay soo codsadaan dalku galka Maraykanka”.

Donald oo ayaa intaasi ku daray , “Waxaanu aduunku u sheegaynaa fariintayadda oo noqon doonta: Inaad dalkayaga ku soo gasho sharci-daro, ku noqon maysid muwaadin Maraykanka ah kuna heli maysid sharciga dhalashadda”.

Donald Trump ayaa sidoo kale mar kale ku celiyey in xadka Maraykanka iyo Mexico u dhexeeya uu ka dhisi doono darbi weyn, kharashka ku baxaya ay bixin doonto dawladda Mexico.

Madaxwyenaha Mexico ayaa in muddo ah wax jawaab ah ka bixin hadaladan ka soo yeedhay musharaxa madaxweynaha ee xisbiga Dimuqraadiga oo ku celcelinaayey tan iyo intii uu bilaabay ololihiisa doorashadda.

Balse dhawaan waxaa uu madaxweynaha Mexico barta uu ku leeyahay mareegta Twitter ku yidhi, “Wada-hadalkii ugu horeeyey ee aanu yeelanay Donald Trump waxaan si cad ugu sheegay in dawladda Mexico aanay bixin doono kharashka ku baxaaya dhismaha darbigaas”.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.