Donald Trump oo Ku Guulaystay Doorashaddii Dalka Maraykanka

USA – (warsoor) – Waxaa hadda si rasmi ah u dhamaatay natiijaddii doorashadda ee dalka Maraykanka, waxaan doorashadda ku guulaystya musharixii xisbiga Jamhuuriya ee Donald Trump.

Donald Trump ayaa helay codad dhan 289, waxaanu sidaasi ku noqday madaxweynihii 45-aad ee Maraykanka ah.  Donald Trump ayaa sidoo kale noqonayaa madaxweynihii ugu horeeyey ee aan waligii xafiis iyo kursi dawladadeed midna soo qaban ee haddana madaxweyne ka noqda dalka Maraykanka.

Donald Trump ayaa murano siyaasadeed oo badan ka dhex abuuray dalka Maraykanka waxaa dadweynaha, siyaasiyiinta, dadka caanka ah, Muslimiinta, dadka muhaajiriinta ah iyo caalambkaba.

Donald Trump ayaa intiii uu ku jiray ololaha doorashadda waxaa uu balan-qaaday in xadka dalka Maraykanka iyo Mexico inuu dhexeeya uu ka samayn doono dayr weyn, waxaa sidoo kale sheegay in dalka Maraykanka uu ka saari doono dadka bilaa sharciga ku jooga, waxa uu sidoo kale wax ka sheegay dadka Soomaalida ah, wuxuu sidoo kale u hanjabay boqortooyadda Sacuudiga iyo balan-qaadyo kale oo tiro badan oo uu sameeyey.

Waxyaalaha ee uu sheegay waxaa ka mid ahaa inuu xabsiga u taxaabi doono Hillary Clinton.

Haddaba waxa la isweydiinayaa ma fulin doonaa balan-qaadyadda mise wax buu ka badali doonaal, inkasta oo sheegay in hadaladiisii qaar ay warbaahintu si kale u dhigtay, waxaanu sheegay in warbaahinta laftigeeda uu wax ka qaban doono.

Halkan toos uga daawo Trump oo soo joogsanaya masraxa:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.