Diyaaradda Air Djibouti oo Duulimaadkeedii u horeeyey Dalka ku Timid una Kala Gooshtay Hargeysa iyo Berbera

Berbera – (warsoor) Shirkada Diyaaradaha ee Air Djibouti ayaa maanta hawl galkoodii ka bilaabay dalka, iyada oo diyaarada Air Djibouti duulimaad ay kaga soo kicintay Djibouti ku timid Hargeysa una sii dhaaftay Berbera.

img_0259

Munaasibad imaatinka diyaarada loogu qabtay Madaarka Berbera ayaa waxa ka soo qayb galay masuuliyiin tiro badan oo uu hogaaminayo Wasiirka Duulista iyo Hawada Farxaan Aadan Haybe, kuwaasi diyaaradu markii ay Hargeysa timid ku soo dhaweeyey Berbera-na kala qayb galay munaasibad soo dhaweyn ah oo lagu qabtay.

Wasiirka wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka  Somaliland Farxaan Aadan Haybe oo munaasibada ka hadlay ayaa waxa uu soo dhaweeyey diyaarada Air Djibouti isaga oo sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay imaatinka diyaarada iyo inay duulimaadyo ka bilawdo Somaliland.

img_0072

Wasiirka oo arrimahaasi ka hadlaya ayaa waxa hadaladiisii ka mid ahaa “, farxad iyo sharaf weyn bay noo tahay maanta oo ay dadka Berbera u tahay oo ay Somaliland dhammaanteed u tahay inaynu halkan ku daahfurno oo aynu ku bilawno duulimaadyadii aynu balan qaadnay oo ILAAHEY-na inoo aqbalay ballanqaadkii aynu samaynay oo ay Air Djibouti duulimaadyadeedii maanta halkan ka bilawdo anaguna kan tijaabada ah aanu noqonay inaanu ku soo daah furno waxaan leeyahay ILAAHEY ayaa mahad leh, mar labaadna waxaan u mahadnaqayaa Dawladda Jabuuti iyo Air Djibouti oo halkan uu wakiilkeedii fadhiyo, Safiirkii dawladda Jabuuti, waxaan leeyahay fursad wanaagsan ayey tahay oo anagu keenay diyaaradii halkana timid, laakiin dadka la doonayo inay raacaan oo ay isticmaalaan oo ay ka faa’iidaystaan waa dadka Berbera iyo Hargeysa, waxaana laga yaabaa inay suurto galiso diyaarado Berbera ka taga oo Hargeysa taga iyo kuwa Hargeysa ka soo noqda oo Berbera yimaada, waa markii ugu horeysay taariikhdeena ee ay suurto gasho taasi, waxaan mahad balaadhan u celinayaa madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ee Qarankan hoggaaminaya oo suurtog galiyey in Terminalkani uu dhismihiisu hirgalo inoona suurtogaliyey inaynu maanta dib u furis ku samayno dhamaanteena sharaf ayey inoo tahay aynu ka wada faa’iidaysano”.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga oo weftiga mid ahaa ayaa isna khudbad uu madasha ka jeediyey ku soo dhaweeyey Diyaarada Air Djibouti, waxaana hadaladii wasiirka ka mid “Marka u horaysa waxaan salaamayaa dhammaan marti sharafta halkan isugu timid oo dabcan Wasiirka Duulista iyo Hawada Somaliland haggaaminayo, nasiib wanaag ayey noo tahay qoladayada Berbera-na ka sii qadaynayna saacado ka bacdina guryahagii tagaya, ILAAHEY ka se kow Madaxweynaha Jabuuti waa laga filayey waa nin aragti dheer, waana nin run ahaantii wax badan sahamin kara, waanu ka filaynay Diyaarada Jabuuti yeelato cida u horeysa ee fuulaysaa inaanu anaga ahaanayno, halkan maanta furitaan ayaa loo yimid waxa ku xigaya haddii ALLE yidhaahdo ganacsi iyo baayacmushtar ay ku yimaadaan diyaaraduhu”.

Mr. Eil Bartic,  Agaasimaha ganacsiga ee Diyaarada Air Djibouti oo isna Munaasibada khudbad kooban ka jeediyey ayaa waxa hadaladiisii ka mid ahaa “Diyaarada Air Djibouti waxa ay soo gaadhay Berbera, tanina waa diyaaradii u horeysay, halka diyaarada kalena todobaadyo ka dib iman doonto, isla markaana aanu halkaa ka wadi doono duulimaadyo badan, waxaanu qorshahayagu yahay inaanu maanta Djibouti ilaa Hargeysa soo marnay Berbera-na ku suganahay, todobaadyo ka hor ayaan halkan imid oo aanu wasiirka ku wada qabanay  shir jaraa’id oo ku sabsan imaatinka Diyaarada Air Djibouti maanta waa taasi timid”.

Safiirka Hargeysa u fadhiya Wadanka Jabuuti Xuseen Cumar ayaa isna khudbad munaasibada ka jeediyey waxaanu yidhi “Anigoo ku hadlay magaca Jamhuuriyada Jabuuti, iyo Xukuumaddiisa waxaan halkan ku salaamayaa magaalada iyo Garoonka Diyaaradaha ee Berbera, waxaan halkan mahad gaar ah uga jeedinayaa wasiirka duulista iyo hawada Somaliland Farxaan Aadan Haybe oo si qiimo badan, sharaf badan walaaltinimo ku dheehan tahay noogu soo dhaweeyey maanta diyaaradeena Air Djibouti ee u adeegi doonta labada wadan iyo aduunka kaleba ee gaadhsiin doonta shacbiweynaha reer Somaliland, waxa ay aniga ii tahay farxad gaar ah”.

Wasiirka Xidhiidhka Goleyaasha, Tiknoolajiyada iyo Cilmi baadhista Cali Xaamud Jibriil oo isna munaasibada khudbad soo dhaweyn ah ka jeediyey ayaa waxa uu tilmaamay inay farxad u tahay, waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Aad iyo aadbaan maanta ugu faraxsanahay duulimaadyada ay bilawday diyaarada Air Djibouti oo ay dalka ka dhex bilaabma sida Hargeysa iyo Berbera, waxaanu aad iyo aad ugu mahadnaqaynaa shirkada Air Djibouti duulimaadyada ay bilwaday, waxa kale oo aan mahadnaq gaar ah siinayaa wasiirka Duulista iyo bahda wasaaradiisu dedaalka ay sameeyeen”.

Badhasaabka Gobolka Saaxil oo isna halkaasi ka hadlay ayaa soo dhaweeyey diyaarada Air Djibouti waxaana hadaladii Badhasaabka ka mid ahaa “Wasiirka aad iyo aadbaan ugu mahadnaqayaa inuu codsigayagii ka soo jawaabay oo Madaarkaa Berbera oo ah Madaarada Somaliland u qaalisan in uu albaabada u furay”.

Wasiiru Dawlaha Caafimaadka iyo masuuliyiin kale oo munaasibadaasi ka hadlay  ayaa khudbado soo dhaweyn ah madasha ka jeediyey, iyaga oo bulshadana ugu baaqay inay ka faa’iidaystaan diyaarada Air Djibouti.

Diyaaradda Air Djibouti waa shirkadii Diyaaradeed ee Sadexaad  oo wadamo kale ka socda, isla markaana tartan u soo gala duulimaadyada garoonada diyaaradaha Somaliland, iyaga oo hore u yimaadeen shirkadaha Diyaaradaha ee Ethiopian Airline iyo Shirkada Fly Dubia.

Ismaaciil Cali Axmed

Afhayeenka

Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka

Tell: 0634424571

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.