Diyaarad Laga Leeyahay Dalka Masar Oo Ka Duushay Paris una Jeeday Qaahir oo La Laayahay

Masar – (warsoor) –  Diyaaradda EgyptAir oo siday rabaak tiradooda lagu sheegay 66 qof iyo shaqaalihii diyaardaasi ayaa la waayey khamiistan xili ay dulmaraysay badda mediterranean-ka.

Saraakiisha shirkadda Airline iyo waaxda duulista diyaaradaha ee Masar ayaa rumaysan in diyaaraddan Airbus A320 ay ku dul burburtay badda dusheeda.

EgyptAir-plane

Rakaabka diyaaraddan saaran ayaa u kala dhashay dalalka Masar, Faransiiska, Ingiriiska, Belgim-ka, Ciraaq, Kuwait, Sucuudi Carabiya, Suudaan, Chad, Aljeeriya, Canada iyo Portuqal . Dadka qaraabadda la ah dadkan la rumaysan yahay inay diyaaraddu la burburtay ayaa ku soo uruuray garoonka diyaaradaha ee magaaladda Qaahir.

Ciwaanka ay shirkadda EgyptAir ku leedahay barta Twitter ayaa ay ku tidhi, “Sida ah sheegayaan xogo rasmi ah, waxaa uu raadaalkeeda la waayey diyaaradda EgyptAir oo duulimaad lambarkeedu ahaa MS804, diyaaradan oo 11:09 habeenimado ka soo kacday caasimadda Faransiiska ee Paris una jeeday magaaladda Qaahiro).

Diyaaraddan ayaa ilaa hadda lahaynin goobta rasmiga ah ee ay ku dhacday.

Dawladaha Faransiis, Giriiga iyo Masar ayaa sheegay inay baadhitaano ku samaynayaan goobaha la filaayo inay diyaaraddani ku dhacday.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.