Diiwaangalinta Musharaxiinta Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya oo bilaabatay

Muqdisho – (warsoor) – Diiwaangalinta Musharaxiinta Guddoonka Barlamaanka JFS ayaa maanta si rasmi ah uga bilaabatay Xaruunta Golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho.

Wararka ay heleyso Wakaaladda SONNA ayaa sheegaya in barqanimadii Maanta ay si rasmi ah uga bilaabatay diiwaangalinta Musharaxiinta u tartamaya qabashada Xilalka Guddoonka Barlamaanka Soomaaliya Golaha Shacabka, iyadoo ay xigi doonaan in mid walba uu jeediyo hadalo ku aadan waxqabadkiisa.

Warku waxa uu intaasi ku darayaa in diiwaangalinta la soo gunaanadi doono maalinta khamiista ah oo ku aadan 4- bishan Janaayo galinkeeda dambe.

 

Xigasho: SONNA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.