Diiwaan galinta Musharaxiinta Guddoonka Baarlamaanka oo la soo gabagabeeyay

Muqdisho – (warsoor) – Waxaa la soo gaba gabeeyay diiwaan galinta Musharaxiinta u tartamaya guddoonka golaha Shacabka Soomaaliya, sida ay ku dhawaaqeen guddiga Qaban qaabada ee Doorashada.

Waxaa isdiiwaan galiyay Musharaxiin gaaraya ilaa iyo 22-Musharax kuwaas oo u taagan xilalka Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo ku xigeenadiisa.

Doorashada guddoonka Baarlamaanka ayaa dhici doonta 11-ka iyo 12-ka Bishaan aan ku gudijirno ee Janaayo, sida ay horay u shaaciyeen guddiga Doorashada Guddoonka Baarlamaanka.

HALKAAN KA AKHRISO LIISKA MUSHARAXIINTA.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.