Dhibaatooyinka Waalidiinta Sida Ba’an Baraha Bulshadda Ugu Baahiya Sawiradda iyo Macluumaadka Caruurtooda oo laga Dayriyey

“Daraasad cusub oo daah ka fayday waalidiinta ka talaabay xadka u dhexeeya iyo bulshadad wax lala iyo wadaago iyo in aad loola wadaago”

Mudooyinka dambe waxaa aad u soo badanaaya sawiradda gaarka ee caruurta ee lagu baahinaayo baraha bulshadda ka hor inta anaay caruurtu noqon kuwo dhalinyaro ah oo leh ciwaanadooda gaarka ah.  Kalamadda sharenting oo ka timid labada eray ee sharing iyo parent oo la isku dhafay ayaa khubaradda cilmi-baadhistu u adeegsadeen daraasada ay samaysay jaamacadda Michigan, taasi oo waalidiinta sawiradda caruurtooda ku baahiya baraha bulshadda kala talisay, kuna tilmaamtay in nolosha caruurtooda ay ku dhigayaan mid ilaa hadda bulshadda weynta loo bandhigo.

Baadhitaanadda ka soo baxay daraasadan cusub ayaa shaaca ka qaaday in waalidiin badani ay warwar ka qabaan in ay ku talax-tageen sawiradda caruurtooda ee ay dhigayaan baraha bulshadda marka la barbar dhigo waalidiinta dhigoooda ah.

baranta_social

Waalidiintii daraasadan lagu sameeyey saddex-meelood meeli waxay sheegeen inay garanaya hal waalid oo baraha bulshadda si xad-dhaaf ah sawiro caruurtooda oo aan haboonayn iyo sheekooyin bahdilida ah oo ku saabsan caruurtooda baahiyey.  Dadka wax laga waydiiyey daarasadan ayaa sheegay inay ka walaacsan yihiin in sawiradda caruurtoodu ay gacanta u galaan dad ajaanib ah kuwaasi oo ujeedooyin kale laga yaabo inay u adeegsadaan sawiradaa.

Saraha J. Clark, oo ka mid ah khuburadda cilmi baadhista ayaa tidhi, “Waxaa aad u adag in la arko suurto-galinimadda la laga gudbay khadka u dhexeeyaa waxaa bulshadda lala wadaagi karo iyo waxaa ilaa xad lala wadaagi karo”,  khabiiraddan ayaa intaasi ku daraytay, “Waxaa laga ayaabaa in waalidiinta qaarkodo ay bulshadda la wadaagaan macluumaadka caruurtooda ku saabsan oo waxyeelo u keenayaa ama ilaa xad arimaha qofka khaas u ah gaar ahaan marka ay waynaadaan. Haddaba marka macluumaadka badka la soo dhigo aad bay u adag tahay in dib looga badalo. Caruurtuna awood uma laha ay ku horjoogsadaan ama ku hajiyaan cidda eegaysa macluumaadkooda”.

……

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.