Dhammaan Gobolada Dalka oo Laga Bilaabmay Tallaalka Xanuunka Covid 19

HARGEYSA – (WARSOOR) – Sida ay ku soo waramayaan wariyeyaasha wakaladda wararka Somaliland ee SOLNA uga soo warama golada Togdheer, Awdal, Saaxil Sanaag iyo Sool ayaa sheegaya in talaalkaas ay qaateen masuuliyiinta goboladadaas, maayirada degmooyinka xarumaha u ah goboladaas iyo saraakiisha u saraysa ciidamada ku sugan goboladaas.

Masuuliyiintaas waxay guud dadweynaha ku nool goboladaas u soo jeediyeen inay qaataan tallaalkaas oo qayb ka ah dadaalada xukuumadda Somaliland ee xakamaynta xannuunka Covid 19.

Waxa xusid mudan tallaaka xannuunka Covid 19 oo dhawaan dalka la keenay ayaa waxa iska tallaalay madaxweynaha JSL iyo masuuliyiin sar-sare oo qaranka ah, kuwaas oo guud ahaan bulshada ku waaniyay inay qaataan tallaalkaas oo qaybihiisa hore ay qaadanayaan hawl-wadeenada caafimaadka iyo dadka da’ada ah la nool xannuunada, kuwaas oo u nugul halista xannuunkaas.