Dhalinyaro Gadoodsan Oo Dab ku Qabadsiiyey Calanka Xisbiga WADDANI Badhtamaha Hargeysa

Hargeysa – (warsoor) – Dhallinyaro gadoodsan isugu soo baxay mudaharaad ay kaga soo horjeedaan xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, ayaa ku gubay calanka xisbigaasi badhtamaha caasimadda Hargeysa maanta.

Dhallinyaradan oo ka soo jeedda degmooyinka Maxamed Mooge iyo Maxamuud Haybe ee magaalada Hargeysa, ayaa isu-soo-bax cadho badani ka muuqatay oo ay ka dhigeen jidka wayn ee taga madaarka diyaaradaha ee Hargeysa dab ku qabadsiiyey calanka xisbiga WADDANI, iyagoo sheegay in aanay wax taageero ah u hayn xisbigaasi, xilli madaxda xisbiga WADDANI xaflad soo dhawayn ah ugu samaynayeen huteelka Ambassador siyaasiyiin ka soo jeeda Koonfurta Hargeysa oo uu horkacayey siyaasiga Ismaaciil Hurre Buubaa oo dhawaan uun ka soo noqday Xamar oo u joogay fikirka Soomaaliwayn muddo ka badan labaatan sanno.

gubaay

Dhallinyadu waxay xidheen jidka isku xidha badhtamaha magaalada iyo Cigaal International Airpor oo ay ku gubeen taayirro, si ay isu hortaagaan gawaadhida ay wateen masuuliyiinta iyo taageerayaasha xisbiga WADDANI u socday xafladda soo dhawayntu, waxaanay hortooda dab ku qabadsiiyeen calanka astaanta u ah xisbiga WADDANI iyo weliba marso kale oo uu xisbiga WADDANI u qaybiyey dadka, kuwaas oo ay ku xardhanaayeen soo dhaweynta xubnaha cusub ee siyaasiyiinta ku biiray.

Qaar ka mid ah dhallinyarada ku mudaharaaday xisbiga WADDANI oo saxaafadda la hadlay, ayaa sheegay inaan wax taageero ah xaafadaha Maxame Mooge iyo Maxamuud Haybe loogu haynin xisbiga WADDANI, waxaana mid ka mid ah dhallinyaradu yidhi, “Annagu ma nihin xisbiga WADDANI, odayaashan Xamar ka yimi ee Xamar nagu wadana dooni mayno annagu, halkan xaafadahan waxaannu taageersanahay xisbiyada kale ee UCID iyo KULMIYE.”

Sidoo kale, Wiil kale oo dhallinyaradaas ka mid ah ayaa ka hadlay sababta ku kalliftay inay mudaharaad ka dhan ah xisbiga WADDANI abaabulaan, waxaannu yidhi, “Mudaharaadkan waxa nagu kallifay xisbiga WADDANI oo maanta dad basas kaga soo qaaday xaafadaha New Hargeysa, Jig-jiga yar iyo Daami, kuwaas oo xaafadahan sheeganayey, laakiin aanu cid ka garan weynay, shakhsiyaadka ku biiraya xisbiga WADDANI ma diidanin, laakiin waxaannu diidannahay marka la leeyahay xaafadda Maxamuud Haybe waa WADDANI.”

Mudaharaadka ka dhanka ah xisbiga WADDANI, ayaa gebi ahaanba si weyn looga dareemay xaafadaha Maxamed Mooge iyo Maxamud Haybe, waxaana looga gol lahaa sidii ay bulshadaasi meel adag uga istaagi lahayd shaambadda uu xisbiga WADDANI ku doonayo inuu xaafaddaas ka dhigo meel laga taageersan yahay.

Dhallinyarada mudaharaaday, ayaa xisbiga WADDANI uga digay inuu xisaabtiisa ku darsado taageero uu ka helo xaafadahaas, waxaanay sheegeen inaanay jirin wax cod ah oo uu xisbigaasi ka heli doono xaafadaha Maxamed Mooge iyo Maxamud Haybe.

Wariye

Yuusuf Maxamed

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.