Dhagaysiga Dacwadda Muran-badeedka Soomaaliya iyo Kenya U Dhexeeya oo maanta la soo gabagabeynayo

Hague – (warsoor) – Magaalada Hague ee Dalka Netherlands ayaa waxaa maanta lagu soo gabagabeynayaa dhagaysigii doodda ku saabsan muranka-badeedka u dhaxeeyay Qareenada Dawladaha Soomaaliya iyo Kenya.

Dhageysiga Dawcadda ayaa socotay illaa iyo Isniintii la soo dhaafay, taasoo dhexmaraysay Qareennada u kala doodayay Waddamada Soomaaliya iyo Kenya oo ku aadan muranka dhinaca badda ah ee labada waddan ay isku haystaan.

dacwadda_badda_soomaaliya_kenya

Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda ee fadhigeedu yahay Magaalada Hague ayaa dhagaysaneysay doodaha oo ay Soomaalidu dacwad u gudbisay, taaasoo ay ku dooneyso in maxkamaddu ay qaaddo dacwadda ku saabsan xadeynta xuduudda badda ee labada Dal ay ku muransan yihiin.

badda-somalia1

Qareennada Dawladda Soomaaliya ayaa maanta jeedinaya dooddii ugu dambeysay ee dacwadda la xariirta Murun-badeedka ay isku hayeen iyaga iyo Dawladda Kenya.

Dawladda Kenya ayaa weli ku adkeysaneysaa in Maxakamaddu aaneey qaadi karin Dacwaddaan, iyadoo ku andacoonaysa in maadaama ay Soomaaliya horey ula saxiixatay Kenya heshiis is-afgarad ah loo baahan yahay in labada dhinac ay iyagu is xaliyaan, balse mar walba waxaa ka biyo-diida dhanka Soomaalida.

Xigasho

Wakaaladda SONNA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.