Dhacdo Ugub Ah: Codka Gacan-taag Ee Ah Xubinnimada Lagaga Xayuubiyey Mudane Saleebaan Cali

Hargeysa – (warsoor) – Dhacdo Ugub Ah: Codka Gacan-taag Ee Ah Xubinnimada Lagaga Xayuubiyey Mudane Saleebaan Cali Koore Ma Waxa Ay Gaar U Tahay Xildhibaanada Isxambaarka Ah Ee Gobolka Sool, Mise Waa……..?

Waa dhacdo ugub ah oo maanta ka dhacday fadhigii caadiga ahaa ee golaha wakiiladda Jamhuuriyadda Somaliland, kadib markii guddoomiyaha goluhu cod geliyey xubinnnimadii xildhibaan dhawaan ka mid noqday golaha wasiiradda cusub ee madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Dhacdadani waxay khilaafsan tahay sunnihii goluhu hore uga mari jiray, xildhibaano fara badan oo hore ugu biiray golaha fulinta (Xukuumadda). Waxaana sida aynu la wada socono bedeli jiray xildhibaanka golaha xukuumadda ku biira, xubnaha kaydka ah xubinta ugu codka badan ee ka soo jeedda xildhibaanka xilka baneeyey gobolka uu ka soo jeedo. Ma garan in cod-gelinta gacan-taaga ahi ay gaar u tahay xildhibaanada golaha wakiiladda uga soo baxay gobolka Sool oo golaha ku fadhiya habka isxambaarka ama magacaabista toos ah, maadaama doorashadii sanadkii 2005 gobolka Sool aan wax doorasho ahi ka dhicin.

Dhanka kale, xildhibaankan maanta goluhu codka gacan-taaga ah kaga xayuubiyey xubinnimadii ee mudane Saleebaan Cali Koore iyo guddoomiyaha golaha ee xilligan mudane Baashe Maxamed Faarax, waxa dhex yiil xurguf-siyaasadeed oo ku arooraysa xilligii guddoomiye Baashe u ordayey hanashada xilka guddoomiyaha golaha wakiiladda.

Haddaba, ma garan karo in hab-raacan maamul ee maanta guddoomiye Baashe golaha u jeexay uu noqon doono sunne loo mari dooni buuxinta ama waayida xubinnimada golaha wakiiladda ee mustaqbalka iyo in uu yahay aargoosi siyaasadeed oo uu kusii sagootiyey Saleebaan Cali Koore.

Halkan ka daawo warkan:

Cabdirisaaq Cismaan Fadal

Oslo, Norway

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.