“Dhab ahaan ma u maleynayo inay adag tahay!” – Beckham oo ka hadlay lasoo saxiixashada Ronaldo iyo Messi

Xiddigii hore Real Madrid ee David Beckham ayaa ka war bixiyay qorshaha suuqa kala iibsiga ee kooxda uu mulkiyaddeeda qaybta ka leeyahay ee Inter Miami.

Kabtankii hore ee xulka qaranka England ayaa iska diiday inuu meesha ka saaro suuro galnimada uu kula soo wareegi karo xiddigaha ka talinaya heerka ugu sarreeya ee kubadda cagta qaaradda Yurub ee kala ah Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo.

“Markii aan ku dhowaaqeynay Miami, waxaan ka hadleynay xiddigaha aan dooneyno inaan keensanno haddii ay ahaan lahaayeen Ronaldo, Messi ama Neymar” ayuu Beckham u sheegay ESPN.

“Marwalba waa ay jireen doodahaas oo kale, dhab ahaanna, aniga uma maleynayo inay adag tahay inay xiddigu go’aansadaan imaashaha halkaan maadaama ay tahay magaalo wanaagsan.

“Sida iska cad, halkan waa magaalo weyn, waxaan helnay taageerayaal fara badan, balse sidoo kale, waxaan fahansanahay inaan heysanno xiddigo hibo leh oo ka soo jeeda Miami iyo Koonfurta Florida, waxaanna u maleynayaa inaan heysanno fursad dhab ah” ayuu hadalkiisa kusii daray xiddigii hore ee Manchester United.

Inter Miami ayaa hadda heysata xiddigaha kala ah Gonzalo Higuain, Blaise Matuidi iyo Ryan Shawcross kuwaasoo dhammaantood ka hoos ciyaara difaacii Beckham ay ka wada tirsanaayeen Man United iyo qaranka Ingiriiska ee Phil Neville oo ah macallinka kooxda Mareykanka ka dhisan.