DF oo war kasoo saartay hadalkii safiirka Mareykanka ee Kenya ee kiiska badda

KENYA – (WARSOOR) – Dowladda Soomaaliya ayaa beenisay in safiirka Mareykanka ee Kenya, Kyle McCarter uu Muqdisho kula kulmay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kalana hadlay in Soomaaliya ka laabato kiiska badda ee horyaalla maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda.

Kyle McCarter oo wareysi siiyey wargeyska Daily Nation ee kasoo baxa Nairobi ayaa shaaca ka qaaday inuu safar ku tagay magaalada Muqdisho, kuna cadaadiyey madaxweyne Farmaajo in kiiska lagu xaliyo meel ka baxsan maxkamadda.

“Arrintan waa in si deg deg ah loo xaliyaa. Waxaan muddo ka shaqeeneynay in madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo madaxweyne Farmaajo ay isugu yimaadaan miiska wada-hadalka” ayuu yiri Kyle McCarter.

“Waxaan tagay magaalada Muqdisho, si aan ula hadlo madaxweynaha Soomaaliya. Waxaan u sheegay inuu ka laabto kiiska maxkamadda.” Ayuu yiri safiirka.

Si kastaba, safiirka Soomaaliya ee Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa beeniyey in safiirka uu la kulmay madaxweynaha, inkasta oo Tarsan uu qiray in safiirka uu yimid magaalada Muqdisho.

“Ummadda Soomaaliyeed waxaan wargalinaynaa inuusan dhicin kulan dhexmaray Madaxweyne Farmaajo iyo safiirka Mareykanka ee Kenya xilligii uu booqshada ku yimid Muqdisho oo ahayd dhawr bilood kahor.” Ayuu Tarsan ku yiri qoraal uu soo dhigay facebook.

“Wargayska Kenyaanka ah ee qoray warbixintan waxaa looga baahanyahay inuu iska hubiyo warbixinnada uu faafinayo.” Ayuu sii raaciyey.

Tarsan ma uusan shaacin cidda uu McCarter kula kulmay Muqdisho, haddii aysan is arag madaxweynaha. Waxaa sidoo kale is-weydiin mudan sababta ay dowladda hadda u qirtay safarka, balse aan horey loogu shaacin.

Dad badan ayaa qaba in dhibaatada ugu weyn iyo walaaca shacabka Soomaaliyeed ka haysta kiiska badda ay tahay aamusnaanta iyo hufnaan la’aanta dowladda Soomaaliya. Dowladda ayaa inta badan shacabka war siisa kaliya kadib markii ay wararka ka helaan ilo-wareedyada dibedda ah.

Xigasho: Caasimada Online

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.