DF oo ka jawaabtay hadad heyntii ku xad gudubka madax banaanida dalka ee Ethiopian Airlines

Muqdisho – (warsoor) – Dowladda Soomaaliya ayaa ka hadshay wararka sheegaya in diyaaradda Ethiopia Airline ay si joogto ah ugu xad gudbeyso madax banaanida Soomaaliya, kadib markii ay maalmihii lasoo dhaafay ka degtay magaalada Hargeysa, iyadoo ay xusid mudantahay in dalka lagu soo rogay xayiraad ka dhan ah duullimaadyada caalamiga ah.

Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar wasiirka gadiidka iyo duulista hawada ee xukuumadda Soomaaliya ayaa mar uu la hadlayey warbaahinta dowladda waxa uu sheegy in Ethiopia Airline duullimaadyada ay dalka ku timid ay ogolaansho uga heysatay dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale wasiir Oomaar ayaa sheegay in dalka ay ka jirto shuruuc iyo kala dambeyn, sidaas awgeedna duullimaadyada diyaaradda Ethiopa Airline ay maalmihii lasoo dhaafay ku tagtay Hargeysa iyo deegaanada kale ay u martay shuruucda dalka.

 “Sida aad la socotaan dalku waxaa uu leeyahay shuruuc waxayna shuruucdaasi qabataa dalka oo dhan, diyaaradda Ethiopa Airline Hargeysa iyo meelaha kale ee ay ka dageyso, waxay ogolaansho uga haysataa dowladda Soomaaliya” ayuu yiri wasiirka duulista hawada Maxamed Cabdullaahi Oomaar.

Somaliland ayaa horay u sheegtay in hawadeeda ay iyadu maamusho, iyadoo warqad kasoo baxday todobaadkii hore ku joojisay duullimaadyada dalal ay ka reebtay Itoobiya, wixii intaas ka dambeeyaan diyaaradda Ethiopa Airline ayaa dhowr jeer ka degtay magaalada Hargeysa.

Dad badan oo Soomaaliyeed ayaa hadal haya ama u arka in diyaaradda Ethiopa Airline ay ku xad gudbeyso madax banaanida Soomaaliya, isla markaana ay isha un  ka eeganeyso dowladda federaalka oo gacanta ku heysa maamulka hawada dalka.