DEG-DAG:-Mas’uul Sare oo Hada Iska Casilay Xisbiga KULMIYE+Eedo uu u Soo Jeediyey+MUUQAAL

Hargeysa-(warsoor)-:-Siyaasi Muuse Ismaaciil Qardhab oo ka mid ahaa mas’uuliyiinta sare sare ee Xisbiga KULMIYE, ayaa hada ku dhawaaqay in uu iska casilay xilkii iyo xubinimaddii xisbigaasi, waxaana uu tilmaamay in uu dhibbaatooyin xoogga ka tirsanaayo Xisbigaasi isaga oo sida oo kale na iftiimiyey in uu siyaasadda xaafadda Axmed Dhagax uu u daba-fadhiisanaayo siyaasi Xuseen Axmed Caydiid oo ka tirsan Xisbiga WADDANI.
Siyaasi Qardhab, ayaa hore u soo noqday afhayeenka Xisbiga UCID ee garabkii Jamaal Cali Xuseen, waxaana uu xusay in laga bilaabo maanta uu ku biiraayo Xisbiga WADDANI oo uu tilmaamay in uu yahay xisbi dalka horumar u horseedi kara.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.