Dawladda Turkiga oo cambaaraysay weerarkii argagixisadda ahaa ee Muqdisho ka dhacay

Turkiga – (warsoor) –  Wasiirka Arimaha Dibadda Turkiga ayaa si weyn u cambaareeyey weerarkii Salaasadii ka dhacay magaaladda Muqdisho ee ay ku nafwaayeen in ka badan 15 qof kuna dhaawacmeen dad ka badan 20 qof.

car_explosion_muqdisho

War-saxaafadeed uu soo saaray wasiirka Arimaha Dibadda Turkiga ayaa lagu yidhi, “Dawladda Turkigay waxaay saaxib iyo walaalo la yihiin dadka Soomaalida, waxaana naga go’an in aanu Soomaaliya siino taageeradda kasta si ay nabad-galyo u gaadhaan”.

Sida lagu tibaaxay war-saxaafadeedka dawladda Turkigu soo saartay, waxaa tacsi ay u dirtay qoysaska dadkii ku waxyeeloobay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Muqdisho Salaasaddii.

Xarakadda Al-shababaan ayaa qarax loo adeegsaday gaadhi walxaha qarxa laga soo buuxiyey la beegsaday afaafka hore ee huteelka SYL oo ah hudheel ay dagan yihiin saraakiil badan oo dawladda Soomaaliya ka tirsan iyo diblomaasiyiin kaleba.

Sida uu mid ka mid ah dadka goob-joogayaasha ah oo tukaanle ah u sheegay wakaaladda wararka ee Turkiga ee Anadula Agency, waxaa uu argay qiiq daruuro la moodo oo hawadda isku shareeray.

“Waxay ahayd jawi cabsi badan. Garan maayo xiliga uu dalkani amaan heli doono”, sidaasi waxaa yidhi Cali Adhe.

Xarakadda Al-shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda weerarkan waxanay dagaal kula jiraan dawladda Soomaaliya ee ay reer galbeedku badhi-taaraan.

Kooxda Al-shabaab ayaa weeraro ismiidaamin ah oo fara badan ka fulisay gudaha Soomaaliya iyo dalka ay jaarka yihiin ee Kenya waxaanay ku dileen boqolaal qof oo rayid ah oo aan wax dambi ah galabsan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.