Dawladda Taiwan Oo casriyeyn iyo dib u dhis ku samaynaysa Cusbitaalka Guud ee Hargeysa

HARGEYSA – (WARSOOR) – Dawladda Taiwan, ayaa casriyeyn iyo dib u dhis ku samaynaysa Cisbitaalka Guud ee Magaalada Hargeysa, iyada oo Shirkadda dhisi doontaa ay kulan la yeelatay Masuuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka.

Wakiilka Dawladda Somaliland u qaabilsan Taiwan Amb Mohamed Hagi, oo ka hadlay qorshaha casriyeynta Cusbitaalka Hargeysa, ayaa ka dhawaajiyey casriyeynta cusbitaalku noqon doonto mid taabanaysa dhinacyada qalabka iyo adeegyada, waxaanu yidhi “Waxa sharaf ii ahayd in aan qayb ka noqdo kulan dheer oo Shirkadda dhismaha ee CECI Engineering Consultancy oo ah shirkad dhisme oo laga leeyahay dalka Taywaan ay la qaadatay Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland maalintii shalay.

Kulanka waxa hormuud ka ahaa Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Hon. Liban Yusuf Osman dhanka kale iyana waxa miiska fadhiyey Safiirka Taywaan u fadhiya Somaliland Amb Allen C. Lou.

Kulan waxa laga ga lagu lafaguray sidii uu habsami ugu bilaabmi lahaa mashruuca dib u dhiska iyo casriyeynta Cisbitaalka Guud ee Hargeysa oo si weyn ay Dawladda Taywaan u casriyeyn doonto iyada oo heerka (standard) cisbitaalka la gaadhsiin doona meel aad u sarraysa qalab ahaan, farsamo ahaan iyo dhinacyada adeegga caafimaadka iyo dhismaha cisbitalkaba.

Cisbitaalka Hargeysa waxa lagu sameyn doonaa dib u dhis aad u ballaadhan. Sidoo kale waxa dib loo habayn doonaa maamulka iyada oo qalab casri ah oo u shaqeeya si digital ah la dhigi doona, isla markaana maamul caafimaad oo tayadiisu sarrayso laga hirgelin doona. Mashruuca oo bilaabmi doona sannadka dambe waxa uu socon doonaa muddo shan sano. Mashruuca oo yeelan doona phase II ama waji labaad ayaa dib loo cusboonaysiin doonaa marka ay muddadani dhammaato.”