Dawladda Soomaaliya oo Joojisay Wadda Shaqayntii Ergayga Qaramadda Midoobay Nicholas Haysom

Muqdisho – (warsoor) – War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dawladda Soomaaliya ay joojisay wadda shaqayntii ay la lahayd ergayga Qaramadda Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Haysom.

War-saxaafadeedkan ayaa nuxurkiisu u dhignaa sidan:

“Maanta oo ay taariikhdu tahay 1da Janaayo 2019ka, Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah oo xiganaysa heshiisyada caalamiga ah ee ku salaysan xiriirka cilaaqaadka diblomaasiyadda caalamiga ah, waxay Dowladda Soomaaliya ku wargelisay Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey in aan wadanka laga rabin, kana shaqayn karin Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Mudane Nicholas Haysom.

Go’aankani waxa uu salka ku hayaa kadib markii uu si cad u jebiyay hab maamuuskii iyo dhaqankii ku haboonaa Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, si bareer ahna u farageliyay madax banaanida dalka”.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.