Dawladda Somaliland oo soo dhaweysay aqoonsiga Imaaraadku siiyey waxbarashadeeda

DUBAI – (WARSOOR) – Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa aqoonsatay Shahaadada Waxbarashada ee Somaliland, iyadoo u diwaangelisay magaca Jamhuuriyada Somaliland, sida shaacisay todobaadkan.

Bogga ay wasaaradda tacliinta ee dalka Imaraadku leedahay oo lagu soo bandhigo dalalka ay aqoonsan tahay shahaadadooda waxbarasho ayaa lagu xardhay magaca Jamhuuriyadda Somaliland.

Waa dalkii ugu horeeyey oo kamida wadamada Khaliijka Carabta ee si rasmi ah u shaaciyey in uu aqoonsaday shahaadada waxbarashada Somaliland.

Safiirka Somaliland u fadhiya Dalka Imaaraadka Carabta Amb. Muniir Xaaji Cabdilaahi Abusite oo suurto-gelinta aqoonsiga shahaadada Somaliland ka shaqeeyey, isla markaana xafiiskiisu midho-dhalinteeda muddo ku howlanaa, ayaa soo dhaweeyey, kuna tilmaamay guul muhiim u ah qaranka Somaliland.

Ambasador Muniir, ayaa intaasi ku daray in ay ka safaarad ahaan u tahay midho-dhal iyo guul, aanay jiraan howl-galo kale oo diblomaasiyadeed oo uu ka wado Dalka Imaaraadka iyo wadamada kale ee Khaliijka Carabta.
โ€œDhacdadani Waa mid weyn. In la aqbalo Sharci amma Aqoonsi (Document) dawladdaadu leedahay oo ay aqbalaan dawladdo kale waa guul horumar ahโ€ayuu yidhi Safiirka Jamhuuriyada Somaliland u fadhiya Imaraadka Carabta Ambasador Muniir oo Wargeyska Dawan wax ka waydiiyey talaabada dawladda Imaaraadku shaacisay.

arrintan ayaa sii xoojiaysa Xidhiidhka labada dal ee Somaliland iyo Imaaraadka oo meel wanaagsan marayey sanadihii u dambeeyey.