Dawladda Maraykanka oo Si rasmi ah Xayiraadii Socdaalka Ka Qaaday Ganacsadaha Caanka ah ee Axmed Nuur Jimcaale

USA – (warsoor) – Dawladda Maraykanka ayaa si rasmi ah xayiraadii Socdaalka uga qaaday Khamiistii ganacsadaha caanka ah ee Soomaaliyeed Md. Axmed Nuur Jimcaale oo ahaa mulkiilihii shirkaddii xawaaladda ee Barakaad la odhan jiray.

Bayaan ka soo baxay hay’adda dawladda Maraykanka u qaabilsan xakamaynta hantidda dibadda (OFFICE OF FOREIGN ASSETS CONTROL) ayaa shaacisay 30 June 2016 in si rasmi ah Md. Axmed Nuur Cali Jimcaale looga qaaday dhamaan xayiraadi ka saaranyd dhinaca socdaalka.

Ganacsade Sheekh Axmed Nuur Cali Jimcaale ayaa sidoo kale hayadda Qaramadda Midoobay waxay 2013 si rasmi ah uga saartay liiska dadka hantidooda la xayiray, waxaanay shirkaddu isla markiiba bilowday inay dib ugu celiso dadkii Soomaaliyeed ee hantidooda la xayiray sanadii 2001 oo ay ahayd markii ganacsade Jimcaale la xayiray socdaalkiisa iyo gabi ahaanba hantidiisii uu ku lahaa dulka Soomaalida.

axmednuur-jimcaale

Dawladda Mareykanka ayaana weerarkii 11 September 2001 ganacsade Axmed Nuur Cali Jimcaale sheegtay inuu ka mid yahay shaqsiyaadka taageero maaliyadeed siiyey qaar ka mid ah uruuraddii lagu daray liiska argagixisadda, sidaasi daraadeedna waxaa la xayiray shirkadda Al-barakaad oo uu ahaa maamulaha guud ee shirkadaasi sidoo kalena uu ahaa qofka ugu saamiga badan ku leh shirkadaas.

Muddane Axmed Nuur Cali Jimcaale oo dhashay 20 May 1954 waxaa lagu tiriyaaa inuu ka mid yahay shaqsiyaadka ugu hantidda iyo saamiyadda badan dadka Soomaalida ah, waxaanu hanti badan galiyey dalal badan.

Ganacsadde Axmed Nuur Jimcaale ayaa caan ku ah deeqsino xeel-dheer waxaanu gacan weyn kaga qayb-qaataa inuu ka qayb-galo arimaha horumarinta bulshadda oo shirkaddaha waaweyn ee dalka uu ku leeyahay ay sanad walba si joogto ah malaayiin dollar ku bixiyaan arimaha horumarinta bulshadda.

Ugu dambayn Ganacsada Axmed Jimcaale oo ka hadlay sida uu arko xayiraada laga qaaday ayaa sheegay inuu aad iyo aad ugu faraxsan yahay in ugu dambayntii laga qaaday xayiraadii saarnayd loona soo celiyey xaqiisii shaqsiyadeed oo muddo 15 sano ah ka maqnaa, waxaanu si weyn ugu mahadnaqay dhamaan dadkii iyo dawladihii gacanta ka gaystay in xoriyadiisii shaqsiga ahayd iyo tii hantidiisa ahayd loo soo celiyey.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.