Dawladda Itoobiya oo Isku Shaandhayn Ku Samaysay Xukuumadda, Oromadda Laba Jago oo Muhiim ah Ka Heshay

Itoobiya – (warsoor) – Barlamaanka Dawladda federaalka ee Itoobiy ayaa Salaasadan maanta ah ansixisay gole wasiiir oo cusub oo uu soo magacabaay Ra’iisal Wasaare Hailemariam Desalegn, ka dib markii uu balan-qaaday inuu wax ka qaban doono cabashadda ka timid saamiga ay goboladdu ku leeyihin xukuumadda.

baarlamaanka_itoobiya

Qoomiyadda Oramadda ayaa isku shaandhaynta cusub ka heshay laba kursi oo muhiim ah, Wasiirkii hore ee Gaadiidka Workneh Gebeyehu aya aloo magacaabay Wasiirka Arimaha Dibadda, halka Dr. Negeri Lencho oo bare Sare kaahaa jaamacadda Addis Ababa isna loo magacaabay Wasiirka Warfaafinta.

Golihii wasiiradda ee xukumaddii hore oo ka koobnaa 30 Wasiir waxaa aan jagooyinkoodii laga qaadin sagaal ka mid ah. Dawladdan cusub ayaa waxaa sidoo kale ku jira sadex wasiir oo dumar ah.

Sida ay sheegay idaacadda BBC-da, golaha wasiiradda ee cusub ee la magacaabay waxaa Soomaalida kaga jira laba wasiir oo loo kala magacabaay wasiirka gaadiidka iyo wasaradda shaqada iyo shaqaalaha.

Qoomiyadda Oramadda ayaa dalka Itoobiya ka bilaabay mudaharaado ay kaga soo horjeeda cadaalad daradda ka jira jagooyinka dawladda oo jagooyinka ugu muhiisan ay ku fadhiyaan qoomiyadda tigreega oo dalkaasi ka ah qoomiyad laga tiro badan yahay, halka ay oromadu ka yihiin qoomiyada ugu badan oo dalkaasi ka ah 60%.

Rabshadan ayaa dalkaasi Itoobiya ka soo bilaabmay bishii November 2015 ilaa ay bishii October 9-keedi ay gaadhay halkii ugu saraysay waxaana ku dhigtay mudaharaadaasi dad aad u tiro badan. Dawladda Itoobiya ayaa ku dhawaaqay xaalada dad degdeg, waxaanay rabshadahani Itoobiya ganacsigeed gudaha iyo dibadda uu galiyey khatar.

Ugu yaraan 500 qof ayaa ku dhintay rabshadahan waxaana la xidhxidhay inaa dhawr kun oo qof oo ka soo kala jeeda qoomiyadha Amxaaradda iyo Oromadda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.