Dawladda Hoose ee Hargeysa oo banaysay qaar kamid ah waddooyinka xidhan

Hargeysa – (warsoor) – Dawladda Hoose ee magaalada Hargeysa  ayaa  banaysay qaar kamid ah waddooyin xidhan ee  xaafadda Sheedaha  ee degmada Ibrahim Koodbuur.

Iyadoo uu Meeyarka  caasimadda Hargeysa  Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid uu amar ku bixiyey in waddooyinka xidhan ee xaafada Sheedaha lagu qaado  Olale balaadhan oo wado baneyn ah, iyadoo hawshaas ay fuliyeen Shaqaalaha dawladda hoose ee Hargeysa.

Guddoomiye ku xigeenka  degmada Ibrahim Koodbuur Naasir Ismaaciil Maxamed ayaa sheegay inay fureen wadooyinkii  xidhnaa ee xaafada Sheedaha ee magaalada Hargeysa taas oo dadka shacabka ahi dhibaato ku qabeen.

Bulshada ku dhaqan xaafada Sheedaha ayaa u mahadnaqay meeyarka caasimadda iyo maamulka degmada Ibraahim Koodbuur oo hawshaa  fulinayey.