Dawladda Hoose ee Caasimadda Hargeysa Rabbi ha barakeeyo

Waxaan degganahay New Hargaysa, waddadani waxa ay martaa xaafadda Imaaraadka ama xero dhiigtii hore intiinna garanaysaa, waxa ay dawladda Hoose dhistay biriish yar oo sabbad ah oo mara dooxa iskuna xidha waddadan iyo Sayladda.

Dhiskaas kaddib waddadani waxa ay noqotay halbawle isku xidha duni hore u kala xidhnayd, guuxa gaadiidka ayaa daqiiqad joogsannin, Calaamadda, Maxamed Mooge iyo daantaas oo dhan ayay ku xidhay New Hargaysa, sidoo kalana qofka tallaabaya ee magaalada bari kasoo galaa uma baahna inuu suuqa kasoo wareego oo waa af iyo gacan.

Waddada oo ahayd kuwii hore ee asxaabteennii hore dhigi jireen ayay dhigeen, way burburtay oo godad ayay noqotay, biyaha roobkuna balliyo ay ku nastaan ayay ka heleen, gaadiid iyo dad labadaba waa lagu dhibtooday.

Waxa aan la xidhiidhnay dawladda hoose, dhego nuglaan iyo hawraarsan ayaannu ka helnay, waxay noo sheegeen in waddooyin badan socdaan oo magaalada oo dhan ay dhexda u xidheen, waxay noo ballan qaadeen in godadka nalaga sii maareeyo, waddadana carro-kaawo lasii saaro inta googoโ€™an, jaaniska u horreeyana gacanta la saari doono.

Galabta 5tii galabnimo waxa nala soo xidhiidhay Agaasime Maxamed C. Jaamac, waxa uu noo sheegay in shaqaalihii dawladda hoose oo ilaa saaka 6dii shaqaynayay halkay rawixi lahaayeen ay haddana annaga noo adeegi doonaan, laba iska-rogo oo waawayn iyo cagaftii ayaa nasoo gaadhay shaqo waynna ka qabtay xaafaddii. Sidoo kalana berri kasii shaqayn doona.

Hawsha oo dhan abaalkeeda waxa iska leh oo aan mar ka nasan ilaa ay maanta soo gaadhay walaalkay Xildhibaan Yassin Omar Yare. Isaga iyo innamadii gobta ahaa ee iyagoo daallan shaqaynayayba abaal badan ayaan u haynaa, wax kale tari kari maynee waan u ducaynaynaa in Ilaahay Dawladda hoose, Mayor-ka walaalkay Abdikarim Ahmed Mooge, xildhibaannada, agaasimayaasha iyo shaqaalahaba Ilaahay barakeeyo, garabkoodana galo.

Odayaashii iyo islaamaha waxa duco ka dhacaysa waad yaabaysaa dee๐Ÿ˜‚๐Ÿ˜‚.