Dawlada Hoose Ee Hargeysa Oo Degmooyinka Caasimada Ka Bilowday Olole Nadaafadeed

HARGEYSA – (WARSOOR) – Dawlada hoose ee caasimada Hargeysa ayaa qaar ka mida degmooyinka caasimada ka bilawday lolole nadaafadeed, kaas oo ay sheegeen in u jeedadiisu tahay kor u qaadida nadaafadda caasimada maadaama oo xili roobaadkii soo dhaw yahay.

Ololahan ka bilawday degmooyinka Maxamuud Haybe iyo Maxmed Mooge ayaa waxa good joog ka ahaa agaasimaha arrimaha bulshada ee dawlada hoose Khadarn Yuusuf Cali, xoghayaha fulinta ee dawlada hoose ee Hargeysa Siciid Nuur Jaamac, gudoomiye ku xigeenka gobolka Maroodi-jeex Khadar Baaruud iyo maayar ku xigeenka caasimada Hargeysa Cabdicasiis Maxamed Xaashi, waxaanay sheegeen in ololahani yahay laga fulin doono dhammaan degmooyinka caasimada laga fulin doono.

Maayarka caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (SOLTELCO) ayaa sheegay in ololahan u jeedadiisu tahay in kor noo qaado bilicda caasumada, waxaanuu intaas ku daray in ololahaasi maalmaha soocda uu ka bilaabi doono Axmed Dhagax, 31-ka May, Kood-buur, waxaanay maayr Soltelco uu intaas ku daray in ololahan xoogiisa ay hawl-wadeenada dawlada hoose ee Hargeysi ay ka fulin doonaan laagaha biyo mareenada ah ee degmooyinkaas, waxaanuu dadweynaha u soo jeediyay inay qashin ay saaraan gaadiidka qashinka gurada ee caasimada ka shaqeeya.

Ugu dambayn gudoomiyaha gobolka Maroodi-jeex Jaamac Xaaaji Axmed ayaa ayaa dadweynaha ku nool caasimada u soo jeediyay inay la shaqeeyaan hawl-wadeenada dawlada hoose ee caasimada, si kor loogu qaado fay-dhawrka iyo nadaafadda caasimada Hargeyas.