Dastuur, Xeer iyo Xeer Hoosaad!

Dhawrkii cisho ee ugu dambaysay waxa socotay dooda xeer hoosaadka golaha wakiilada ee cusub oo ay ka doodayeen xildhibaanada cusub.

Intii aan ka daawaday doodaha xildhibaanaada ee xoor hoosaadka waxa iiga muuqatay in xidhibaano badani ayna faham ka haysan xeer hoosaadka ay ka doodayaan ujeedada loo samaynayo iyo xeer hoosaadka laftiisu waxa u yahay, taas oo ay mararka qaar iskaga qasmayeen shaqada xeer hoosaadka, Xeerarka guud iyo Dastuurku.

Haddaba aynu iftiimino waxa ay kala yihiin Dastuur, Xeer iyo Xeer Hoosaad.

Dastuurku waa seeska sharciyada oo dhan, wuxuuna go’aamiyaa oo qeexaa, nooca dawladinimada, awoodaha waaxaha dawladnimada, xuquuqaha muwaadiniinta, qaab dhismeedka siyaasadda dalka, mabaadiida dawladnimada, meesha dalku ku yaalo, xuduudaha dalka iwm.

Xeerarku (Acting Laws) wuxuu sheegaan ama lagu aasaasaa shaqada hay’ad ama waax dawladeed taas oo lagu cadeeyo waajibaadka iyo masuuliyadaha ka dhalanaysa, waxaana lagu dhaqaa waajib iyo xuquuq u dhaxaysa hay’adda iyo dadka.

Halka Xeer hoosaadku (Standing Rules) ay yihiin kuwo u gaar ah hay’ad dhexdeeda in ay isku dhaqdo taas oo shaqada xeer hoosaadku tahay shaqo maamul (Internal Administrative affairs) waxaana xeer hoosaadku qabtaa in uu hago shaqada haya’adda oo falkiyo.

Sidaas darteed xeer hoosaadka goluhu waxyaabaha ay tahay mudanayaashu in ay fahmaan weeyaan in looga baahan yahay in uu koobsado, kalfadhiyada, awoodaha gudi hoosaadyada golaha, dooda golaha, anshax marinta mudanayaasha dhexdooda, awooda hagista, waajibaadada xubnaha shir gudoonka, wada shaqaynta gudi hoosaadada golaha, wakhtiyada shaqada golaha iwm.

Sida oo kale waxa mihiim ah in xidhibaanadu fahmaan guud ahaan xeerka ugu sareeya ee dalku in uu yahay dastuurka isla markaana xeerarku (Acting Laws) in aanay qodobada dastuurka ka hor iman karin, halka xeer hoosaadkuna aanu xeerarka iyo dastuurka ka hor iman Karin.

Waajibaadka golaha wakiilada waxa qeexaya qodobka 53aad ee Dastuurka, sidaas darteed ayay mihiim tahay in ay xildhibaanadu wakhti badan galiyaan sidii ay u fahmi lahaayeen hababka ay xeerarku maraan, sida ay isu saameeyaan, sida qodobada la isula akhriyo, sida xeerarku isku tafsiiraan, awoodaha golaha guurtida iyo sida ay u wada shaqaynayaan, waxa u gaarka ah golaha wakiilada, waxa u gaarka ah golaha guurtida iyo waxa ay ka wada shaqeeyaan.

Waaxda fulinta waxa u gaarka ah iyo waxa ka wada shaqeeyaan iyo sida ay tahay golaha wakiiladu in ay ula xisaabtamayaan.

Gunaanadkii shir gudoonka golaha wakiiladu isaga oo kaashaanaya, sharciyaqaanada golaha iyo xoghayaha golahaba waxa haboon inta ay mudanayaashu cusub yihiin in uu sameeyo tobabar ku saabsan guud ahaan golaha waxa looga baahan yahay iyo sida ay shaqada u gudanayaan kuwaas oo ku qotama awooda dastuuriga ah ee golaha wakiilada looga baahan yahay iyo qaabka ay shaqada u gudanayaan si xildhibaanadu u noqoto mid hufan oo la jaanqaada masuuliyada saaran.

Waxa qoray Liiban Ismaaciil