Danjire Yuusuf Garaad oo waraaqaha aqoonsiga u gudbiyay Xoghayaha Guud ee Q.M

New York – (warsoor) – Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay, Ban Ki-moon, ayaa ka guddoomay waraaqda aqoonsiga Danjirennimo ee Wakiilnimada Soomaaliya ee Qarammada Midoobay iyo Faracyadeeda Yuusuf Garaad Cumar Axmed.

Xoghayaha Guud iyo Safiirka oo kulan ku yeeshay Xaruunta Qaramada Midoobay ee Magaalada New York, ayaa ugu horreyntii uga waramay sida ay Qarammada Midoobay u garab taagan tahay Soomaaliya, laga soo billaabo maamulkii Qarammada Midoobay ee Soomaaliya gaarsiiyay xorriyadda,isagoo xusay in Soomaaliya ay ka soo baxday ku meel gaarka, ayna sameysay horumar, ayna u baahan tahay in la joogteeyo lana xoojiyo kaalmada maaddaama ay hey’adaha dalka iyo weliba horumarkeedu ay weli curdan yihiin.

yusuf-garad-640x480

Amb: Yuusuf Garaad Waxaa kaloo uu xusay in la gaaray horumarka xagga siyaasadda ee Soomaaliya gaar ahaan dhinaca doorashooyinka oo dhowaan la dhammeystiri doono iyo ballanta Soomaaliya ay higsaneyso oo ah in uu muwaaddin kasta oo Soomaali ah uu codkiisa dhiibto doorashada 2020-ka.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa isna sheegay in Qarammada Midoobay ay u heellan tahay Soomaaliya, Wuxuuna bogaadiyay horumarka laga sameeyay dalka, Wuxuuna sheegay in howlo badani ay weli harsan yihiin si loo helo xasillooni buuxda iyo Dowladnimo si dhammaystiran u hanqaadda.

Mr. Ban Ki Moon Wuxuuna ku celiyay in Qarammada Midoobay ay Soomaaliya garab taagan tahay wuxuuna xusay in uu xoojiyo xiriirkeyga ka dhaxeeya Qaramada Midoobay iyo Wadanka Soomaaliya.

Xigasho: SONNA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.