Dal Qani ah iyo Dad Faqiir ah

Yuki Waa aqoonyahan u dhashay dalka Japan, muddo dheer ayuu ku haminayey inuu noqdo maalqabeen, wuxuu bartay culuumta macadanta,markii uu dhamaystay jaamacadda ayuu raacay koox cilmi baarayaal ah oo u socdey Afrika .

Sanadkii 1948 ayaa YUKI iyo kooxdiisii cilmi baarayaashu waxay tegeen Dalka ugu macdanta badan afrika ee Congo .

Yuki Subax kasta Goore hore ayuu jarmaadi jirey,Wuxuuna raadin jirey dhagxaan macadan ah, si uu mar uun u helo dhagax qaali ah, habeen kastana wuxuu dib u baari jirey Dhagxanta,Lknse Habeen kasta wuuxuu seexan jirey isagoo aan helin wax macdan ah.

Markii uu muddo waday ee uu ku guulaysan waayay ayuu go’aansaday inuu dalkiisii dib ugu laabto,Maalintaas shaqadiisii baarista wuxuu dhameeyey 5-tii galabnimo, halkii markii hore uu dhamayn jirey 10-ka habeenimo .

Yuki oo kusii socda huteelkii uu deganaa, waxaa ka hor yimid wiil yar oo reer Congo ah oo gacanta ku sita dhagax cajiib ah, wiilka ayaa weydiistay inuu Yuku dhagaxa qaato isagana uu siiyo xalwad .

Yuki Wiilkii yaraa wuu siiyay Xalwadii,Wuxuuna ka qaatay dhagixii,Markii uu huteelkiisii tegey ayuu baaray dhagaxii,Wuxuu la yaabay natiijada usoo baxday,mar labaaad ayuu ku celiyay baaritaankii dhagaxa.

Nasiib Wanaag, Dhagaxii uu Wiilka yar kasoo qaatay,wuxuu noqday dheemaantii ugu weynayd ee uu Yuki weligii arko ,Waxaana lagu qiimeeyey lacag gaaraysa 10 milyan oo doolar.

Yuki Buug uu arintan ka qoray Wuxuu ku yiri .

” Wiilka yar ee dhagaxa qaaliga ah igaga bedeshey Xalwada wuxuu ahaa Taajir haystay hanta qiimo badan, laakiin aan garanayan qiimaha ay lahayd.

Markaan Dalkaygii Japan ku laabtay ayaan xasuustay Dadkii Qaniga ahaa hadana Gaajoonayey ee Reer Congo,Maalin kasta Waxaan arki jirey Caruur yar yar oo ka shaqaynaya Goobaha Macdanta ,Lknse lama siin jirin Caruurtaas wax ka badan Hal doolar maalintii !

lacagtii aan ka helay dhagaxii xoogaa ayaan dib ugu celiyey dadka Congo,oo sanad kasta waxaan waxbarasho Japan u keeni jirey 20 arday oo reer Congo ah,oo aan lacagta ka bixin jirey “

Qisada Dal Qani ah iyo Dad Faqiir ah ,Waxay ku Qoran tahay Buugga la yiraahdo Toosi Awoodaada – Awooda qarsoon .

Abdirzak jubba