Dagaal ka socda Galbeedka Kismaayo

Muqdisho – (warsoor) Dagaal u dhaxeeya Ciidanka dowlad gobaleedka Jubbaland iyo dadka deegaanka oo isku dhinac ah iyo maleeshiyada Al-Shabaab ayaa ka socda Deegaanka Beerxaani ee galbeedka magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose.

Dagaalkaan ayaa ka danbeeyay ka dib markii Maleeshiyada Al-Shabaab ku dhowaad 10-qof oo xoolo dhaqato ah ay ku dileen Deegaanada kuyaala Galbeedka Kismaayo.

Sidoo kale maamulka Jubbaland ayaa xaqiijiyay in maleeshidaan ay kaxeesteen Xoolo badan oo ay lahaayeen dadka deegaanka sidoo kalana ay laayeen xoolo kale.

kismaayo-311

Maxamuud Sayid Aadan oo Madaxweyne ku xigeenka Koowaad ee Jubbaland oo shalay shir saxaafadeed ku qabtay Kismaayo ayaa sheegay Jubbaland inaysan eeganayn gumaadka Argagixisada ay u gaysanayaan dadka Shacabka.

Intaasi ka dib waxaa jiray ciidamo badan oo ka tirsan dowlad gobaleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland kuwaasi oo gaaray deegaanada Al-Shabaab ay ka gaysteen dhibaatooyinka.

Xigasho: sonna

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.