Dagaal ka dhacay duleedka Kismaayo & faah faahin laga helayo

KISMAANYO – (WARSOOR) – Dagaalka oo u dhaxeeyay Ciidamada Kenya & kuwa Jubbaland oo dhinac ah iyo Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa uu ka dhacay degaanka Cabdalla Birooole oo ku yaal duleedka Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Dagaalka ayaa yimid, kaddib markii sida la sheegay Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig Ciidamada Kenya & kuwa Jubbaland ku leeyihiin degaanka Cabdalla Birooole, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Dadka kus ugan degaanka Cabdalla Birooole ayaa waxaa ay sheegeen inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac, sidoo kalena uu jiro khasaaro dagaalka kasoo gaaray labada dhinac iyo dad rayid ah.

Sidoo kale dadka waxaa ay sheegeen inay cabsi ballaaran soo wajahday intii uu dagaalka socday, maadaama ay ka baqin qabeen inay waxyeelo kasoo gaartao dagaalka.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degaannada lagu dagaalamay ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Kenya & kuwa Jubbaland ay halkaasi ka wadaan dhaq dhaqaaqyo Ciidan maadaama Saldhiga ay ku sugan yihiin la weeraray.