Hargeysa – (warsoor) – Waxaa maanta dagaal gacan ka hadal ahi uu dhex marayย Guddoomiyaha Cusub ee Golaha Wakiiladda Somaliland Md. Baashe Maxamed Faarax iyo Xildhibaan Saleeban Cali Koore.
Dagaalkan ayaa xidhiidh la leh khilaaf ka dhashay muran ka dhashay doorashadii Gollaha Wakiiladda Somaliland oo xildhibaanada qaarkood ku doodayaan inuu guulaystay xildhibaankii la tartamay guddoomiyaha cusub ee golaha.
Wasiirka Arimaha Guddaha Somaliland Maxamud Faratuun ayaa xaqiijiyey dagaalkan gacan ka hadalka ah ee dhacay, waxaanu sheegay inuu ahaa khalad weyn, ciddii falkaasi ku kacdayna ay hadda xidhan tahay.
Halkan ka daawo shirkii jaraa’id ee warkan oo aanu ka soo xiganay channelka Bulsho TV:
https://www.youtube.com/watch?v=ebnSzDPO9kA