Dad lagu laayay magaalada Mandera, Kenya

Kenya – (warsoor) –ย Ugu yaraan lix qof ayaa lagu soo waramayaa in lagu dilay weerar koox dabley ah ay ka geysatay magaalada Mandera ee woqooyi bari Kenya.

Kenya-dad-la-laayey

Saraakiisha dalka kenya ayaa sheegaya in dabley looga shakisan yahay in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ay xalay oo Khamiis ahayd weerar ku qaadeen guri ay deggan yihiin dad ka soo jeeda gobolada kale ee dalka Kenya oo aan Soomaali ahayn.

Barasaabka Mandera Cali Roba ayaa warbaahinta u sheegay in ay hubaan in Al-Shabaab ay ka dambeysay weerarkaasi khasaaraha gaystay.

Waxa uu intaasi ku daray in dad kale oo gurigaasi degnaa la soo badbaadiyay kaddib markii laamaha ammaanka ay durbaba u soo gurmadeen.

Ilaa iyo hadda ma kala cadda in dadka dhintay ay ku jiraan qaar ka tirsan kooxdii weerarka soo qaaday.

Al-Shabaab ayaa dhowr jeer oo hore weerar noocan ah ku soo qaaday deegaanka Mandera, tan iyo markii ciidamada Kenya ay ka tallaabeen xudduudda Soomaaliya si ay u baacsadaan Al-Shabaab sanadkii 2011.

Bishii Disembar ee saanadkii 2014 ayaa dabley ka tirsan Al-Shabaab waxa ay Mandera ku dileen ugu yaraan 36 qof oo dhammaantood ahaa dad ka soo jeeda gobolada kale ee dalka Kenya.

Weerarkaasi ayaa ka dhacay meel dhagax laga qodo oo ku taala duleedka magaaladaasi Mandera.

Sidoo kale bishii Nofember ee isla sanadkaasi, Al-shabaab waxa ay 28 qof oo u badnaa macalimiin ka soo jeeda gobolada kale ee Kenya ay ku dishay weerar ay ku qaaday bas u socday magaalada Nairobi.

Xigasho

 

BBC Somali

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.