DACWADDA UCID WAA MAARA-RAW SIYAASADEED (W/Q: C/Raxman Caydiid)

Marka Hore Mahad Oo Dhami Eebe Ayay U Sugnaatay, Nabadgelyo Iyo Naxariisina Suubanaheena Muxammad. Marka Xiga Waxaan Salaan Diiran Hawada U Marinayaa Bahda Saxaafadda Iyo Qof Kasta Oo Qoraalkaygan akhriya/arka.

 Sadaradan Kooban Waxaan Doonayaa Inaan Fikirkayga Kaga Dhiibto Arrin Maalmahan Dambe Hadalhaynteedu Taagnayd Oo Nuxurkeedu Ahaa “Khilaaf Ka Taagan Xubno Hore Xisbiga UCID Magiciisa Ku Tartamay Sidaana Golahayaasha Deegaanka Kusoo Galay oo Xildhibaano Ah”.

 

MAXAA LAYSKU HAYAA?

Xisbiga UCID Oo Guddoomiyuhu Ku Hogaaminayo Waxay Qabaan In Xubnahani Mar Haddii Ay Xisbi Kale (Kulmiye) Ku Biireen In Xubinimadoodii Burtay, Sidaas Darted Ay Baneeyaan Jagooyinka, Oo Xubnihii Cod Ahaan Kusoo Xigay Ay Jagooyinkaas Buuxiyaan, Sidaana Xeer Jidaynayo. Arintani, Waxay Si Gaar Ah U Khusaysaa Duqyaasha (Mayors) Berbera Iyo Gabilay, Cabdishakur Iyo Maxamed-Amiin.

Xubnaha La Eedaynayo, Ayaa Iyaguna Ku Doodaya In Lix Bilood Ka Hor Doorashooyinka Uu Mudanuhu Xisbi Kale Ku Biiri Karo, Sidaas Darted Maadaama Xilgii La Dooraty Oo Shan Sano Ahaa Dhammaday Aanay Jirin Wax Ka Hor Istaagi Kara Inay Xisbi Kale U Diga Rogtaan. Waxaa Kale Oo Ay Hoosta Kasii Raacinayaan In Haddii Cidi Xeer Jebisay In Faysal Laftiisu Uu Markii Saddexxaad Musharax Yahay Taasna Aan Xeerku Ogolayn.

 

YAA GAR LEH? KHILAAFKANI SE NATIUIJADIISU MAXAY NOQON KARTAA?

Arinta Khilaafka Ucid Waxaa La Geeyay Maxkamadda Sare, Maxkamadduna Waxay Iskaga Riixday Dhinacaa Iyo Xafiiska Diiwaan Gelinta Ururada Si Uu Uga Gar Naqo. Haddaba Intaynaan Gar Qaadin, Bal Aynu Qodobo Dhowr Ah Is Dul Istaagno:

 

  1. GUDDOOMIYE, MUSHARAX FAYSAL

Faysal Cali Waraabe Waa Nin Siyaasadda Somaliland Kusoo Jiray 20kii Sano Ee U Dambeeyay. Laba Jeer Oo hore Ayuu Tartamay, Marna Ma Guulaysan. Xisbigiisa Laba Jeer ayaa Maxkamad Laysla Galay, Labadii Jeerba Fysal Baa Garta Helay. Faysal Wuxuu Garta Ka Helay Guddoomiyaha Barlammanka Oo 2012kii Usoo Hanqaltaagay Inuu Xisbiga Guddoomiye/Ama Musharax Ka Noqdo, Isagoo Aanisanaa In Faysal Maadaama Laba Jeer Oo hore Orday Uu Doorkan Baneeyo Fursadda. Sidoo Kale Wuxuu Hadh Cad diray Jamaal Oo Heshiis Cad kula jiray Faysal Si Uu Uu Musharax U Noqdo, Weliba Waxa La Odhan Karaa Jammal Si Wanaagsan Ayuu Faysal Ugu Guuray.

 

Su’aashu Waxa Weeye, Maxaa Markasta Faysal Garta Uga Helaa Rag Siyaasiyiin Ah Oo Iyaga Laftooda U Muuqda Inay Gar Leeyighiin.  Taas Waxaan U Malaynayaa Tilmaamo Dhowr Ah Oo Faysal Leelyahay Ayaa U Sabab Ah. Marka Hore Faysal Waa Siyaasiga Ugu Shax-Shax Badan Siyaasiyiinta Oo Dhan (Smart Politician), Had Iyo Jeer Waa Hal Abuur Ama Aan Idhaahdo Xaalad-Abuur (Agenda Maker), Dhinaca Kalena Ma Sahlana In Faysal La Maamuli Karo  (Maverick In Politics), Sidaas Darted Waxaynu Odhan Karnaa Ma Sahlana In Faysal Siyaasadda Lala Wadaago  (May Be Difficult To Engage With…). Marar Badan Faysal Waxa Uu Dejiyaa Xaraaradda Xisbulxaakimka Iyo Xisbul Mucaaridka, Halka Inta Badan Uu Ku Metalo Dheesha Mucaarid Ilka Qabow (Moderate Opposition). Arimahaas Ayaan U Malaynayaa Inay Faysal U Fududayso Inuu Had Iyo Jeer Cagta Mariyo Siyaasiyiinta Kusoo Dahambaaba, Amaba Is Yidhaa Kursiga Haydiinka Kaco.

 

  1. GUUR-GUURKA MUDANAYAASHA EE XISBI ILAA XISBI KALE

Mudanayaasha Golayaasha Deegaanku Iyagu Xisbiyo Nool Oo Shaqaynaya Ayay Kasoo Jeedaan Oo Doorashada Ku Galeen (Kulmiye, UCID iyo Waddani). Ururadii Dhacay Xildhibaanadii Kasoo Baxayna Saddexdaas Xisbi Ayay Ku Kala Biireen Oo Xeerka Ayaa  Sidaas U Ogol. Jabku Wuxuu Ka Joogaa Mudanayaasha Golaha Wakiilada Oo Ka kakala yimid Xisbiyada UDUB, UCID Iyo Kulmiye. Dabcan UDUB Way Saqiirtay, Mudanayaashiisiina Waxay Iska Xaadiriyeen Inta Badan Kulmiye. Waddani, Isagu Xisbi Ahaan Ayuu U Jiraa, Laakiin Mudanayaal Baarlamaan Oo Magaciisa Kusoo Baxay Ma Jiraan. Haddana Qaar Badan Baa Maanta Ku Abtirsada. Dadkuna Way Iska Aqbaleen In Waddani MPs Ku Abtirsada Yeesho, Keliya Inuu Waddani Yahay Xisbi Qaran Oo Sharciya Ayay U Eegeen…Laakiin Ma Ku Filantahy? Taas Ma Xeerkaa U Ogol?. Malaha Haa/Mise Maya? Anigu Garanwaayay… ee Maxaa Idina Tidaahdeen/Leedihiin…

 

  1. KALAJABKII XISBIGA UCID

Haa. Xisbiga (UCID), Laba Garab Buu Noqday Oo Loo Aqoonsaday Oo Loogu Garqaaday (faysan & Jamaal). Taa Macnaheedu Waxa Weeye, Garab Waliba Taageerayaashiisii Ayuu La Aadayaa Meeshii Uu Dan Moodo Ee Uu Naq Ku Arko.  Mudane Xaamud, Oo Ah Mudane Ka Tirsa Golaha Wakiilada Ayaan Maalin Maalmaha Ka Mid Ah Dehgaystay Waraysi Uu Bixinayay (Arin Ka Duwan Middan Aan Wax Ka Qoarayo hadda Ayuu Ka Hadlayay), Ayaa Wuxuu Warkiisii Soo Dhexgeliyay, Inuu Isagu Xisbi Ahaan UCID Kasoo Baxay, Xisbi Kalena Imika Aanu Gelayn, Hayeeshee Buu Tilmaamay Maadaama Imika Xisbigii Laba Garab Noqday Oo Dacwadi Ka Dhex Socoto, Anigu Markaan Saxeeyayo Xaadiriska Xildhibaan Madax Banana Baan Ku Saxeexaa. Macnii Xisbigaygii UCID Mana Dhiman, Mana Noola (Intuu Meel Ku Cadaanayo Ayaan Sugayaa Baan  U Fahmay Mudaha Warkiisa Maalintaas)…Haa Waa Xildhibaan Xalaal Miiranaya xagga Siyaasadda).

 

 

GUNAANAD

Haddaba Aynu Bal Isku Dayno Inaynu Jawaab U Raadino Su’aashii Ahayd “Yaa Gar Leh? Khilaafkani Se Natiuijadiisu Maxay Noqon Doontaa? Maxkamaddu Ama Guddigu Maxay Xukumi?

 

Aniga Aragtidayda Wax Fursad Ah Oo UCID Ugu Jira Dacwaddan Ma Arko. Sababtu Waxa Weeye, Waa Ta Koowaad e  Ciyaarta Siyaasadda Somaliland Meelo Badan Way Ka Dhabaqday, Ama Waxay Noqotay Jawaan Afka Laga Furay, Maxaa yeelay Waxyaalo Laysakga Dhaqmay Oo Aan Sharci Ahayn baa jira, Kuwaas Oo Ay Adagtahay In Imika Dib Loo Celiyo waayo waa layska aqbalay (Precedents), In Badannna Waxa U Sabab ah Doorashooyinka Mudda Dhaafay. Xeer No. 14ka Lagu Celceliyo Laftiisu Arintan Xal Uma Hayo (Sidaan U Fahmay).  UCID Laftoodu Way Ogyihiin Inaanay Waxba Ka Dheefayn Ee Way Iskaga Maararoobayaan Uun. Waxase U Dhaantay, Inay Maararow Siyaasdeed Waqti Iskaga Lumiyaan iyo Arimo Aan Xataa Macne Siyaasadeed Xambaarsanayn  (Politically Insignificant), Inay  Doorashada U Diyaargaroobaan. UCID Hadday Talo Qaadanayaan Waxaa U Dhaami Lahayd Inay Dadka Abaaruhu Saameeyeen Qaadhaan U Ururiyaan. Haddii Kale Waxa Loo Fahmi Karaa Inay Gelin Horeba Isasii Dhiibeen Oo Sugayaan Uun Waddani Iyo Kulmiye Ka Foosa Inay Shaambadda Ugu Dhuftaan

 

Waxaan Kusoo Afmeeri lahaa, “ Mudane Faysalow Doorkan Darbaddani Dhalan Mayso Bay Ila Tahay”, “Sir, I Think It Won’t Fly This Time”, ee dhinac kale uga wareeg.

 

W.Q: C/Raxmaan Caydiid

Abdiaideed11@Gmail.Com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.