DAAWO: “Wasiir Cadaaniyoow Munaafiqadda Iskadda, Habeenkiina Xisbi Baad Tahay Maalintii na Xisbi Kale”.Xoghayaha Cadaaladda WADDANI

Hargeysa – (warsoor) -Xoghayaha cadaaladda Xisbiga WADDANI Md.Barkhad Jaamac Xirsi Batuun, ayaa si adag uga hadlay hadalo deel-qaaf oo ka soo yeedhay wasiirka wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo wacyi-gelinta Somaliland oo hadalo been abuur ah ku soo eedeeyey Xisbiga WADDANI.

Md. Barkhad ayaa sheegay in wasiirka warfaafintu uu yahay munaafaq aan la garaneyn cidda uu taageersan yahay isaga oo xusay in habeenkiina uu Xisbi gaar yahay halka maalintiina uu Xisbi kale isku soo sawiro.

Haldoor Barkhad Jaamac Xirsi Batuun, waxa sida oo kale uu ka hadlay arrinta saldhiga Berbera oo u usheegay in aanay ahayn mid sharci ah isla mar ahaantaana aanay ka xisbi ahaan marnaba aqbali doonin wax qaranka hagar daamo ku ah, waxaana uu tibaaxay in wasiiro ka tirsan Xukuumaddu ay xidhiidh la lee yihiin dawladda Somaliya.

 

DAAWO, Haldoor Barkhad oo arrimahaas ka hadlaaya

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.