Coronavirus: Dawada Ibuprofen oo tijaabo lagu billaabay

Saaynisyahanno ayaa bilalabilaabay iney bukaannada isbitaallada ku jira oo uu soo ritay coronavirus ku tijaabiyaan dawada Ibuorofen ey wax u tarayo iyo inkale.

Koox saaynisyhanna ah oo ka kala socda isbitaalka St Thomas iyo Kings College ayaa sheegay iney aaminsan yihiin in dawadan lagu daweyn karo dhibaatooyinka dhinaca neefsiga ee ka dhasha Covid-19.

Saaynisyahannadu waxay sheegeen iney rajeynayaan dawadan qiimaheedu aadka u yar yahay haddii tijaabadeeda lagu guuleysto ay bukaannada kaga maarmi karaan qalabka Ventilatorka ee neefsiga ka caawiyo.

Tijaabada ay sameeyeen saynisyhannadana waxay sheegeen bukaannada in dawada Ibuprofen loo raaciyo dawooyinka caadiga ee la siin jiray.

Tijaabada ayaa adeegsaneysa qaab gaar ah oo Ibuprofen kaniin ahaan looga isticmaali karo si mustaqbalka ay dadku ugu helaan qiima jaban oo ay ku iibsan karaan.

Dadka qaar ayaa dawadan horay ugu isticmaali jiray xanuunnada ama xaaladaha ay ka midka yihiin kala gooysyada jirka ku dhaca.

Tijaabada dawadan oo xayawaannada lagu sameeyey ayaa lagu ogaaday in lagu daweyn karo xanuunnada neefsiga qofka la soo derso oo inta badan uu keeno cudurka coronavirus.

Barafasoor Mitul Mehta, oo ka mid ah kooxda khubrada ee ka socota Kulliyadda King ee London wuxuu sheegay: “Waxaan u baahannahay inaan sameyno tijaabo aan ku ogaaneyno caddeymo ah natiijadu iney la mid tahay wixi aan fileynay.”

Inta uu cudurka safmarka uusan dunida ka dillaacin waxaa jiray warar sheegaya dawada Ibuprofen isticmaalkeeda inay khatar ku keeni karto, dadka leh calaamadaha faayraska ee fudud.

Hadalka saynisyahannada ayaa ku soo beegmaya xilli uu wasiirka caafimaadka Faransiiska Oliver Veran uu yiri in la isticmaalo dawooyinka ay ka midka yihiin ibuprofen ay sii xumeynayaan caabuqa, wuxuuna ku taliyey bukaannada iney isticmaalaan dawada paracetamol.

Dib u eegis uu sameeyey Komishiinka dawooyinka ay dadku isticmaalaan waxay ku soo gabagabeysay, dawada ay ka midka tahay paracetamol iney ku wanaagsan yihiin dadka astaamaha coronavirus isku arko iney isticmaalaan.

Waxayna dawooyinka ay dajinayaan kulka jirka qofka waxay ka caawinayaan astaamaha hargabka la midka ah.

NHS dadka isku arko astaamaha coronavirus waxay kula talisay iney marka hore tijaabiyaan paracetamol, wuuna ka saameyn yar yahay marka loo fiiriyo ibuprofen dadka intooda badan ay doortaan dawadaasi.

Tusaala ahaan qofku wuxuu leeyahay, haddii uu qofku leeyahay caloosha uu boog ku qabo (gaaska weynaaday) inuusan isticmaalin dawada ibubrofen.

Xigasho: BBC SOMALI