Combiyuutarro Qaraxyo Lagu Diyaarinayay Oo Ay Qabteen Ciidamada Amniga

Muqdisho – (warsoor) -Taliska Ciidanka Booliska Gobalka Banaadir ayaa Caawa Taalada Daljirka Daahsoon ee Magaalada Muqdisho ku soo bandhigay 7 Cobiyuutar, Moobaylo kuwa Gacanta ah iyo Gaari nooca raaxada iyo Liiska Magacyada dhallinyaro ay doonayaan Kooxaha Argagixisada Soomaaliya in ay ku dhibaateeyaan Ammaanka dalka Soomaaliya.

Taliyaha Booliska Gobalka Banaadir oo Warfidiyeenada la hadlay ayaa sheegay in gacanta lagu hayo dadkii ku howlanaa diyaarinta walxahan qarxa walina ay baaristu socoto.

“Waad u jeeddan caawa waxaan hortina yaalla, waxa ay mar walba kooxaha argagixisada ku dadaalayaan in ay dalkeena iyo dadkeena dhibaateeyaan, waxaan leeyahay shacabka Soomaaliyeed gacan hanagu siiyaan in ay kuwan guryaheena ku dhax dhuuntaan”ayuu yiri Gen Cali Gaab.

Afhayeenka Maamulka Gobalka Banaadir C.fataax Xalane ayaa sheegay in tallaabadaan ay tahay Guul u soo hooyatay Umadda Soomaaliyeed, ayna hubgoobeen dhagarqabayaasha Argagixisada ee dhibaatadan u maleegayay shacabka Soomaaliyeed.

Ciidamada Ammaanka Soomaaliya ayaa maalmihii u dambeeyay Xoojiyay Howlgalka Sugidda nabadgalyada Magaalada Muqdisho, iyado dowladdu ay diyaarisay qorshe cusub oo lagu wajahayo Sugidda nabadgalyada guud ee Dalka.

Xigasho: sonna

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.