Codeynta doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo billaabatay

MUQDISHO — (WARSOOR) – Codeynta doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka billaabatay Teendhahda Afisyoone ee magaalada Muqdisho, ayada oo ay u tartamayaan in ka badan 30 musharax.

Waxaa musharaxiinta ka mid ah madaxweynaha xilka haya Maxamed Cabdullaahe Farmaajo iyo madaxweynayaal hore Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed.

Guddoonka Golaha Shacabka ayaa furay doorashada, isaga oo sheegay inay joogaan 329 xildhibaan oo isugu jiray xubnaha Golaha Shacabka iyo kuwa Aqalka Sare.

Wareegga labaad ee doorashada ayaa waxaa u gudbaya afarta musharax ee ugu codadka badan. Haddii musharaxa afaraad iyo shanaad ay isku cod noqdaan, waxay labaduba u gudbayaan wareegga labaad.

Musharaxa hela laba meelood saddex meel codadka wareegga labaad ayaa ku guuleysanaya tartanka doorashada madaxweynaha. Haddii aanay sidaas dhicin, waxaa wareegga ugu dambeeya u gudbaya labada musharax ee ugu codadka badan.

Wareegga ugu dambeeya ayaa waxaa lagu kala baxayaa cod dheeri, waxaana xilka madaxweynaha ku guuleysanaya musharaxa ugu codka badan.

Ciidamada Midowga Afrika ee qeybta ka ah howlgalka ATMIS, ayaa sugaya amniga goobta ay doorashadu ka dhaceyso, waxaana caawinaya ciidamada booliska Soomaaliya.

Codeyntan oo dib u dhacday muddo ka badan sanad sababo la xiriira khilaafaad siyaasadeed ayay qasab ahayd in la qabto bishan si ay u sii soocto lacag dhan 400 milyan oo dollaar oo sanduuqa lacagta adduunka ee IMF uu siiyo dowladda Soomaaliya.