CIYAARTII QAABEYNTA IYO MUUQAALKA

Waxaan hore u soo dhigay dhigaal aan kaga hadlay ( waaqica siyaasi & imbaratooriyaadka – Empires & Geopolitics ).

Waxaan si kooban uga hadlay imbaratooriyaadkii hirgalay oo dhulal badan oo kala duwan xukumay sida tii Romanka, tii Ruushka, tii Giriiga, tii Cusmaaniyiintii iyo wixii la mid ah.

Waxaan kaloo soo bandhigay imbaratooriyaadkii aan hirgelin, waxaanse tusaale u soo qaatay tii Iiran iyo tii Xabashidda oo ku dhisnaa dhul kooban iyo dadweyne kala duwan dhalasho ahaan, diin ahaan iyo af ahaan.

Maanta, waxaa colaad cusub ay ka bilaabantay dalka Ethiopia oo cid walba si u dhigtay, iyadoon xaqiiqda ka hadlin, laakin u hadlay sidey rabaan ama sidey la tahay.
Boqortooyaddii Ethiopia oo markii dambe isku magacowday imbaratooriyo dagaalkii 2aad ee dunidda 1945, ka dib markey heshiis sir ah la gashay imbaratooriyaddii markaas sii dhacaysay ee Ingiriiska in Howd iyo ( reserve area ), iyagoo sii tixraacayey heshiiskii Berlin ee 1884 in Somalia noqoto qeyb ka mid ah xukunkeedda.

Labadaas heshiis qaar waa hirgeleen, qaarna ma hirgelin.

Haddaba, 1945 boqorkii Heile Salas wuxuu go’aansaday inuu imbaratooriyadiisa cusub ku dhiso hab nidaam u dhexeeyo Muslim ( Hilaal ) iyo Masiixi ( Istilaab – mucatab ), wuxuunna xarummo uga kala dhigay ( Shao, Wallo iyo Adale ).

Ugu dambeeyntii, taariikhda waxay qireysaa oo ku qoran in mar walba oo ay halis gasho Ethiopia dhanka nabad ku wada noolaanshaha iyo isbedelka shacabka iney Somalida dhanka ay raaceen guusha raaci jirtay.
Waxaa kaloo taariikhda ku xusan iney Somalida 5 jeer ka qeyb gashay taageeradda isbedelka ka socday Ethiopia, waxaanna u dambeeysay tii ay ku taageereen jab-haddii TPLF & ELF 1991.

TPLF oo u bedeshay dalkii Ethiopia maamul goboleedyo iyo fowdo sey xukunka u sii heystaan ( khamri qadiim ah – qeyb oo xukun )
Iyagoo 5 malyan ah.

Oramo 39 malyan, Amhara 12malyan, Somali 20 malyan, Afar, Gambel, Ben Shangulo & shacuubta koonfureed.

Dr. Abiye Ahmed Ali oo heysta sharafta u sareyso ee dhanka Nabadda ( Nobel prize laureate ) wuxuu ka doorbidey inuu isbedel ku sameeyo dalkiisa iyo inuu ka ka saaro ama ka badbaadiyo kala baahsanaanta ay ku jireen 30kii sanadood ee la soo dhaafay.
Taaso oo kale ayaa Somalia ka dhici doonto oo waxaa imaan doonto waqti ay dhammaan doonto kala baahsanaantii ay abuureen TPLF.