Ciidanka Illaalada Xeebaha Ee Somaliland Ayaa Maanta Looga Furay Gobolka Saaxil Tabobar Socon Doona Muddo Saddex Bilood Ah

Berbera – (WARSOOR) โ€“ Tababar socon doona mudo sedex bilood ah ayaa loo furay saraakiil ka tirsan ciidanka ย ilaalada xeebaha Somaliland ee gobolka Saaxil.

Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha ee Gobolka Saaxil Gaashaanle Sare Haaruun Siciid Cali oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in tababarkani yahay mid muhiimad weyn u leh ciidanka ilaalada xeebaha waxaanu intaa ku daray in aqoonta lagu baran doono tababarkani in ay tahay mid qeybo badan oo anfici doonta  guud ahaan ciidanka.

Masโ€™uuliyiin ka socotay jaamacadda culuumta badda ee berbera oo tababarkan bixinya ayaa sheegay in aqoonta tababarkan lagu qaadan doonaa in ay tahay mid la xidhiidha shaqada ciidanka iyo waajibaadka ay qaranka u hayaan.

Gabagabdii waxa furitaanka tababarka ka hadlay gudoomiyaha gocobolka saaxil Dr Axmed Maxamed Xaashi iyo maayirka degmada berbera Cabdishakuur Maxamuud Xasan (Cidin) oo ku dheeraaday faa iidada ay aqoontu u leedahay sariikiisha tababarka qaadanaya waxaanay ku waaniyeen in ay ka faa iideystaan culuumta la baran doono mudada ay tababarka ku jiraan.