Ciidanka dawlada Federaalka Soomaaliya oo 15 Al-Shabaab ah ku dilay Jubbada hoose

Kismaayo – (warsoor) – Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa 15 hor-jooge oo ka tirsanaa nabad-diidka Al-Shabaab ku dilay how-lgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen degaannada Baarsanguuni iyo Kaban oo hoostaga Degmada Jamaame ee Gobalka Jubbada hoose, halka Siddeed kalen ay ku dhaawaceen.

Gaashaanle Sare Maxamed Badal Xasan oo ah Taliyaha Guutada 11 Qeybta 43 ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo howl-galka hoggaamiyay ayaa sheegay howlgalka uu yimid markii Taliska markii ay heleen xog ku saabsan guluf colaadeed oo ay halkaasi ku abaabulayeen Al-Shabaab, taas oo sababtay in ay ka hortageen qorshihii Al-Shabaab ay soo maleegayeen, islamarkaana ay ku raadjoogaan firxadkooda.

Ciidamada Xoogga Dalka oo Gacan iyo taageero dhab ah ka helaya Shacabka Soomaaliyeed ayaa muddooyinkii u dambeeyay xoojiyay how-lgallada kadhanka ah Al-Shabaab, iyagoo kala wareegay Gacan ku haynta deegaano badan oo ay hore nabad-ddidka u maamulayeen.

Xigasho: SONNA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.