Ciidanka Dab-demiska oo 7 Carruura ka Samata-bixiyay Guri Dab Qabsaday

Hargeysa – (WARSOOR) – Ciidanka Dab-demiska caasimada Hargeysa ayaa maanta abaaro 10:00 maalinimo soo badbaadiyay 7 Caruur ah oo dab ku qabsaday hoygii ay ka degenaayeen magaalada Hargeysa, gaar ahaan degmada 31 May.

Todobada carruura mid ka mida ayaa dabku ka qabsaday qaybo ka mida jidhkiisa, waxaana ciidamada Dab-demisku gaadhsiiyeen cisbitaalka carruurta ee magaalada Hargeysa (MASH) halkaas oo lagu dabiibayo.

Sababta dabkan dhalisay waxaa gacanta ku haya laamaha dambi baadhista ciidanka Booliska, waxaana badbaadadaa ka hawl galay ciidanka dabdemiska taliska guud.

Dhanka kale ciidanka Dab-demiska ayaa dabkii guriga haystay ka xakameeyay, sidoo kale ciidanku waxay dabkaa ka hakiyeen inuu ku fido guryaha kale ee u dhaw.

Ciidanka Dab-demisku wuxuu halkan fariin uga dirayaa bulshada ku nool Somaliland in markastaba ay ka taxadaraan wax kasta oo keeni kara halis dab, sidoo kale laga taxadaro in caruurta guryaha lagaga tago kaligood, waxaanay taasi keeni kartaa khatar dab oo ka dhalata guriga.