Ciidanka Booliska oo dilay Libaaxii hadal hayntiisu Hargaysa cabsida ku riday

HARGEYSA – (WARSOOR) – Taliyaha Ciidanka Booliska JSL Sareeye Guuto Maxamed Aadan Saqadhi Daba gale ayaa Saaka noo xaqiijiyey in Ciidanka Boolisku dileen Libaaxii ka Baxsaday Beerta lagu xannaaneeyo ee uu leeyahay Cali Maxamed Warancade.

Taliyaha oo Saaka u Waramay Warbaahinta dawladda ayaa sheegay in Ciidanka Boolisku ay tan iyo xalay baadi goob ugu jireen sidii loo qaban lahaa Libaaxan oo dhaawacay ruux haween ah markii uu ka baxsaday Beertii lagu hayay.

Taliyaha Ciidanka Boolisku waxa uu Shacabka Caasimadda Hargaysa u sheegay in caasimadu nabad tahay isla markaana la soo afjaray hadal hayntii ka dhalatay Habeenkii xalay Libaaxaas baxsadka ahaa.f