Ciidanka Asluubta Somaliland oo War-qoraal-ah ka Soo Saaray Qoraalkii Afhayeenka Xisbiga WADDANI

Hargeysa – (warsoor) – Ciidanka Asluubta Somaliland ayaa war qoraal ah ka soo saaray Qoraalkii Afhayeenka xisbiga Waddani Barkhad Jaamac Batuun

Salaan ka dib:

Iyada oo ay tahay waajibka C/Asluubta Jsl in maxbuuska xukuman uu u diyaariyo waxbarasho, isaga oo la kaashanaya Hay’addaha Waxbarashada Qaranka mid Dawliya iyo mid khaas ahba, taas oo sharcigu na farayo haynta, xanaanaynta iyo waxbaridaba, sida ay cid walba ka warqabto C/Asluubtu uma qaabaysna in uu dambiilaha isagu soo xidho, hasayeeshee waxaa jira Hay’addo qaranku u igmaday in ay soo qabtaan oo maxkamadda iyo xeer-ilaalinta awooda u leh geeyaan sida sharcigu dhigayo, ka dibna uu gacanta Ciidanka-Asluubta ku dambeeyo.
​​​​​​​​​​
Gacantayada ma soo galo qof aan Ciidanka Boolisku ka soo dhex qaban bulshada oo aan shirciga loo marin oo dambi lagu soo eedayn, wayna dhib badan tahay soo qabashada dambiilayaashu, Ciidanka Booliskana waxaa ka soo gaadha Dhaawac iyo Dhimashaba, iyaga oo kala saaraya Xaqlaha iyo ka Xooga wax ku doonaya sidaana ku horkeena Maxkamadda iyo Xeer-ilaalinta awooda u leh.

C/Asluubtu isaga oo rumaysan in uu Boolisku yahay Gacanta midig ee Nabadgelyada Gudaha Dalka Jsl, Amaan u qaadan mayno wax ka sheegooda.
​​​​​​​
Qof kasta oo wax ka sheegayna waxaa haboon in uu dib ugu noqdo Guriga uu ka soo toosay isaga iyo Caruurtiisu oo Nabadgelyo ah, maadaama habeen iyo aroorba ay Ciidanka Boolisku u soo jeedaan Nabadgeyada Dadkooda, intaasaana ugu filan wax qabadka shaqo ee Booliska Jsl, taasina ma timaadeen hadii aanay jirin Hoggaan hagaya oo Aqoon iyo karti lahayn oo meesha jooga, meel ka dhaca shaqsi weerarka ahina waxaa haboon in aad ka bixiso raaligalin, Haddii Eebbe Idmo.

ALLA  Mahad leh

Xafiiska Afhayeenka Ciidanka Asluubta Jsl.