Ciidanka Asluubta Somaliland oo Darajooyin La Guddoonsiiyey

HARGEYSA – (WARSOOR) – Taliyaha guud ee ciidanka Asluubta jsl, Sareeyo Guuto Axmed Cawaale Yuusuf (libaax) ayaa ka qayb galay Xafladda Darajada Loogu Xidhayay Ciidanka Asluubta Jsl, oo lagu Qabtay Taliska guud ee ciidanka asluubta jsl.

Xubnayaashan Dalacday oo ka koobnaa Darajada G/dhexe ilaa Dable oo Tiradoodu dhantahay 744 xubnood.

Madashan oo si Heerka sare ah loo soo agaasimay ayaa Waxa ugu horrayn halkaasi ka warbixiyay Taliye Xigeenka Ciidanka Asluubta Jsl, Aadan Axmed mooge (Kannadi) isaga oo faahfaahin ka bixiyay Gudidda uu Taliyaha Guud ee ciidanka Asluubtu xulay, isaga oo Taliye xigeenku xusay in Hab Cadaalad leh oo aan Eexasho lahayn ay ukala saareen ciidanka iyaga oo la dhaariyay.

Taliyaha ciidanka ilaalada Xeebaha jsl Sareeyo Guuto Maxamed Faarah xuseen (xiirane) oo isna halkaasi ka hadlay ayaa Bogaadiyay ciidanka asluubta isaga oo u hambalyeeyay Dhaaman Xubnaha dalacay, Talilaya ayaa sidoo kale Faray Ciidanka Inay isku duub-naadaan meel kasta oo ay joogaan.

Taliyaha Guud ee Ciidanka Asluubta jsl Sareeyo Guuto Axmed cawaale Yuusuf (Libaax) ayaa Hambalyo Udiray dhamaan Xubnahaas Dalacay isaga oo kula dardaarmay inay noqdaan kuwo Dadkooda Daacad ugu Adeega, Taliyaha ayaa sidoo kale Faray Saraakiisha Inay hoos u eegaan Ciidankooda Oo ay ka war Qabaan Xaaladooda Guud.
Isaga oo Taliyuhu Xusay in Cadaaladu Sumadeena tahay sidoo kalena sheegay inaanu Cid u Eexan.

Ugu Dambayn Taliyaha Guud Ee Ciidanka Asluubta jsl ayaa Darajada Uxidhay Qaar kamida Xubnahaas Dalacayay.

Allah Mahad-leh.