Ciidanka Amniga oo mid kamid ah maskaxdii ka dambeysay weerarkii Hotel Saxafi gacanta ku soo dhigay

Muqdisho – (warsoor) – Howlgal qorsheysan oo ciidanka amniga Soomaaliya ka fuliyeen magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu qabtay ninkii ka dambeeyay weerarkii dhowaan lagu qaaday Hotel Saxafi ee magaalada Muqdisho, sida ay sheegtay hey’ada NISA.

Qoraal kooban oo la soo dhigay Twitter-ka hey’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka Soomaaliya ee NISA ayaa lagu sheegay in ay gacanta ku dhigeen maskaxdii ka dambeysay weeraradii 9 bishan ka dhacay magaalada Muqdisho.

“Howlgal xirfadeysan oo si taxadar leh loo fuliyay, ayaa ciidanka amnigu kusoo qabtay mid kamid ah maskaxdii maleegtay weerarkii  lagu qaaday Hotel Saxafi 9-kii Nofembar. Waxaana la horgayn doonaa sharciga”ayaa Lagu yiri War Qoraal ah oo la soo dhigay Barta NISA ee Twitter-ka.

Xigasho: sonna

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.