Ciidanka Amaanka Maamulka Galmudug oo gacanta kusoo dhigay Maleeshiyo beeleed dil ka geystay

Galmudug – (warsoor) – Ciidanka Amaanka Maamulka Galmudug ayaa ku guuleystay in ay gacanta ku soo dhigaan Maleeshiyo beeleed dhawaan ku dilay miyiga Gobolka Mudug afar ruux oo xoolo dhaqato ah.

Maxamuud Cilmi oo ah xeer ilaaliyaha ciidanka Boliiska ee Gobolka Mudug ee Maamulka Galmugug ayaa sheegay in maleeshiyaadkan la soo qabtay kadib markii ay howlgal culus sameeyeen Ciidanka Booliiska ee Gobolka Mudug.

Howlgalkaan ayaa ka dhacay Miyiga Jariban kasoo ah dhanka Koofureed waxaana lagu soo qabtay Shan Dhalinyaro ah oo ku eedeysan in ay geysteen dilka Afar ruux oo xoolo dhaqato ah , xeer ilaaliya ayaa sidoo kale sheegay in maleeshiyaadka lasoo qabtay ay dagaal adag la galeen ciidanka Booliiska ah ee soo qabtay.

Eedeysanayaasha ayaa waxaa ku socoto baaris waxaana dhawaan la horkeeni doono Maxkamaddaha Galmudug Si cadaalada loo marsiiyo.

Xigasho: SONNA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.