Ciidan Ka Cabanaya Mushaar La’aan Oo La Wareegay Qeybo Kamid ah Magaalada Garoowe

Puntland – (warsoor) – Ciidamo ka tirsan maamulka Puntland, islamarkaana ka gadoodsan mushaar la’aan ayaa la wareegay qeybo kamid ah magaalada Garoow ee xarunta gobolka Nugaal.

Wararka waxay sheegayaan in ciidamadan oo ah kuwa Daraawiishta ay ka cabanayaan mushaar la’aan haysata muddo 30 bil ah, islamarkaana ay sidoo kale waayeen xuquuqihii kale ee ciidanku lahaa.

Waxay la wareegeen ciidamadaan Koontaroolka laga soo galo magaalada Garoowe iyo sidoo kale xarumo kale oo magaalada ah.

Ciidamadan ayaa la sheegayaa inuu hoggaaminayo Jeneraal Deer Xaaji Cabdi oo ah taliye ku xigeenka ciidamada Daraawiishta Puntland.

Shacabka ku dhaqan magaalada Garoowe ayaa aad u hadal haya arrintan, iyadoo dadka qaar ay sheegeen iney la yaabeen markii ay maqleen ciidankaan oo aan qaadan mushaar muddo 30 bil ah.

Ciidamada Puntland ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxay cabasho ka ahaayeen mushaar la’aan baahsan Saddexdii Sano ee ugu dambeysay.

 

Xigasho: Goob-joog

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.