Ciidamadda Dab-damiska Somaliland oo Badbaadiyey Dad Rayidda

Hargeysa – (warsoor) – Ciidanka Dab-damiska Somaliland, gaar ahaan Ciidamada ka Hawlgala Magaalooyinka Hargeysa iyo Burco ayaa Maanta Galinkii Dambe Hawlgalo samatabixina ku soo badbaadiyay Saddex Qof oo siyaabo kala duwan Godad ugu dhacay Magaalooyinka Hargeysa iyo Burco.

Abaaro 5:19 PM ayaa ciidanka Dabdemiska Caasimada Hargeysa u baxeen hawlgalka koowaad halkaas oo Laba Ruux oo Dumar ah ay la duntay Bullaacad 10m ah oo  ku taallay Afaafka Hore ee guriga ay ka deganaayeen Xaafada 150 ee Degmada 26 June.

Labadan Dumara oo da’doodu kala ahaayeen 65 Jir iyo 30 Jir waxaa soo gaadhay dhaawacyo Fudud, Mid ka mida waxa dhaawac ka soo gaadhay Lugta halka Midda kalana dhaawac fudud  soo gaadhay. Sababta ayaa dadweynaha goobta joogay Warbaahinta Ciidanka Dab-damiska u sheegeen in Goobta Bullaacadu ku taallay ay ahayd mid jilicsan. Guriga dhibaatadu ka dhacday ayaa waxaa ku noolaa 10 Caruura, Aabahood iyo Hooyadood.

Dhaawacii Labadaas dumara ayaa ciidanka Dab-damisku u soo qaadeen Cisbitaalka weyn ee Magaalada Hargeysa, halkaas oo ilaa hadda lagu dawaynayo.

Hawlgalkan waxaa Hogaaminayay Hogaanka Sare ee Ciidanka Dab-damiska oo ay ugu horeeyaan Taliyaha Ciidanka Dab-damiska Somaliland Sareeye Guuto Axmed Maxamed Xasan iyo Agaasimaha Fulinta Cabdiqaadir Cumar Xaashi.

Dhanka kale Ciidanka Dab-damiska Magaalada Burco ayaa dhankooda iyaguna u baxay Hawlgal Samatabixina, taas oo ciidanku ku soo samatabixiyay Ilmo yar oo 12 Sano jir ah oo ku dhacay Riig 540 mm hoos u qodan taas oo lagu magacaabo Saleebaan Kulul  kuna yaalla Xaafada Jarmalka ee Degmada Lixle. Ilmahan ayaa dhaawacyo ka soo gaadheen Madaxa iyo meelo kale, waxaana la gaadhsiiyay cisbitaalka Magaalada Burco, halkaas oo lagu dawaynayo.

Hawlgalkaa Magaalada Burco ayaa waxaa qayb ka ahaa Ciidamada Amaanka ee Magaaladaa, sidoo kale Dadweynaha Goobahaasi joogay ayaa iyaguna ciidanka Dab-damiska shaqo wacan kala qayb qaatay samatabixintaas dadka lagu soo badbaadinayay.

Ugu dambayn Ciidanka Dab-damiska ayaa maanta sameeyay Hawlgalo badan oo samatabixina, iyadoo markastaba ciidanka Dab-damisku  sameeyo hawlgalo noocani oo kale, waxaana sannadkan dhamaanaya ciidanku soo badbaadiyay dad, gaadiid iyo xoolaba.

Warbaahinta Ciidanka Dab-damiska Qaranka JSL

Hargeysa/Somaliland

Emergency Call- 990

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.