Ciidamadda Booliska Turkiga oo Xidhxidhay Dablay Ka Trisan Kurdiyiinta

Turkey – (warsoor) – Hawl-gal ay ciidamada booliska Turkigu ku bartilmaameedsanayeen dablayda hubsaysan ee Kurdiyiinta oo ka dhacay Gobolka Adana ee Koonfurta Bariga ee dalkaasi ayaa gacanta ku soo dhigay 15 qof oo laga shakisan yahay.

turkey-bolis

Ciidamada Booliska Turkiga iyo garabka dabayladda hubaysan ee xisbiga Kurdiyiinta ayaa iska hor yimaad ku dhex maray koonfurta bariga dalkaa. Iska hormaadkan ayaa galay jawi cusub tan iyo markii xabad-joojintii u dhaxaysay dawladda Turkiga iyo Kooxdan dabayda ah uu burburay muddo hadda laga joogo ku dhawaad laba snao.

Maalinimadii Jimcaha waxaa magaaladda ugu weyn ee Kurdiyiintu dagaan ee Diyarbakir lala beegsaday qarax gaadhi waxaana ku dhintay ugu yaraan 11 qof waxaana ku dhaawacmay ugu yaraan 100 qof.  Qaraxan ayaa dhacay ka dib markii ay maamulka Turkigu ay xabsiga u taxaabeen hogaamiyaasha iyo xildhibaano taabacsan xisbiga mucaaridka ah ee Kuridiyiinta, xisbigan oo ay dawladdu ku eedayso inuu xidhiidh la leeyahay xisbiga hubaysan ee Kurdiyiinta ee PKK.

Hawlgalka ay ciidamada ka hortaga argagixisadda oo taageero ka helaya diyaaradaha qumaatiga u kaca ayaa goobo kala duwan waxay ka fuliyeen hawl-galo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.